Shirkadda Telesom oo 500 oo xabo oo Sibidh ah iyo 2,000 oo xabo ii jiingado ah Ugu Deeqday Dadkii Waxyeeladu Ka Soo Gaadhey Duufaantii Sallaxley Ku Dhufatay
Hargeysa (Hubaal) – Shirkadda Telesom ayaa qalabka dhismaha ugu deeqday dadkii ay dhawaan waxyeeladu roobka duufaanta watay soo gaadhay ee ku nool deegaanka Sallaxley. Shirkadda Telesom ayaa dadka guryahooda duufaantu ka burburisaay ugu deeqdey 500 oo xabo oo Sibidh ah iyo 2,000 oo xabo ii jiingado ah.
Munaasibada wareejinta deeqdan ayaa ka dhacday magaalada Salaxley, waxaana shirkadda Telesom ka guddoomay deeqdaasi maamulka iyo madax-dhaqameedka degmadda.
Masuuliyiintii ka soo qayb-galay munaasibada wareejinta oo isugu jiray maamulka shirkadda Telesom iyo maamulka iyo madax-dhaqameedka degmadda Salaxley ayaa halkaasi ka jeediyey khudbado kooban oo isugu jiray mahadnaq iyo bogaadin.
Degmada Sallaxley oo todobaadkii hore uu waxyeello baaxadle uu gaadhsiiyey roob dabeylo wataa, ayaa waxa gurmad kala duwan gaadhsiiyey Dawladda iyo Hay’addo madaxbanaan oo ay kamid tahay shirkadda Telesom