HUBAAL TV: DAAWO Suldaanka Guud Ee Beellaha Somaliland Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Madax-dhaqameedka Ku Xidhan Magaalada Hargeysa
“Tii [dawladdii] Maxamed Siyaad Barre Way Ka Xishoon Jirtay Madax Dhaqameedka’e [Md. Madaxweyne] Golahaaga Wasiirradu Ha Barataan Xasaannada Ay Salaadiintu Leeyihiin”
Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa markii u horeysay ka hadlay xadhiga ay xukuumaddu kula kacday qaar kamid ah madax dhaqameedka oo siyaabo kala duwan ugu xidhan Magaalada Hargeysa, kuwaas oo xadhigooda ay xukuumaddu ku macnaysay arrimo xaalad abuur iyo kicin dadweyne. Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir oo muddooyinkii u dembeeyey xaalad caafimaad ugu maqnaa dhakhtar dibadeed, ayaa isaga oo haatan ku sugan caasimadda Hargeysa oo uu dib ugu soo laabtay waxaa uu xukuumadda ka dalbaday in ay shuruud la’aan xorriyadooda ugu soo celiso Suldaan Mawliid Cali Ibraahim (Sabayse) iyo Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo muddo toddobaad iyo dheeraad ah ku xidhan xabsiyada Magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale waxa uu suldaanku talooyin u soo jeediyey xukuumadda somalialnd ee uu hoggaamiyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana uu sheegay in waqtiyadan dambe ay wasiirro xukuumadda ka tirsani hayaan shaqadii ay madaxda dhaqanku ku shuqulka lahaayeen. “Beel waliba Suldaanka ay samaysato in loo Tixgeliyo ayay u baahan tahay oo aan dadka caadiga ah lagala mid dhigin, isla markaana ay xasaannadoooda dawladdu xurmayso ayaa loo baahan yahay, waayo wixii madax dhaqameed ahi xasaanad bay ku lahaaan jireen bulshada dhexdeeda iyo dawladihii isticmaarkiiba”. sidaa ayuu yidhi Suldaanka guud, waxaana uu intaa ku daray “tii [dawladdii] Maxamed Siyaad Barre ayaan iska soo xidhan jirin madax dhaqameedka oo way ka xishoon jirtay. Markaa Xukuumaddan Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo WAxaan leeyahay [Md. Madaxweyne] Golahaaga wasiirrada iyo labadan gole ee kale horta ha barataan xasaannada ay salaadiintu leeyihiin”.
Xog-waranka Suldaanka oo dhamaystiran oo ay Hubaal Media kasoo xigatay oo baahiyey telefishanka waayadan dambe afka dheer ee STAR TV oo uu Suldaanku waraysi siiyey, ee daawasho wacan: