Hargeysa (Hubaal)-Allaah ha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa Hal-doorka Saxaafadda Soomaalida oo Shalay subaxdii hore Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo safar shaqo ku joogay, ayaa shalay galabnimadii lagu aasay Magaalada Tog-Wajaale oo uu ku dhashay.
Marxuum Axmed Xasan Cawke oo shaqada Saxaafadda ka bilaabay Radio Muqdisho sannadkii 1972-kii wixii ka dambeeyayna ka soo shaqeeyay Idaacadaha BBC-da, VOA iyo Telefiishannada Soomaalida qaarkood, ayaa Xijaabtay Saaka ka dib, markii uu xanuun ku soo booday sida ay Warbaahinta u xaqiijisay Walaashii. Marxuum Cawke oo ka mid ka mid ahaa Wariyayaasha loogu jecel yahay Wariyayaasha Soomaalida, ILLAAHAYNA ku manaystay cod soo jeediso leh oo dhageystayaasha ku qasbayey inay socodka joojiyaan, ayaa aas weyn loogu sameeyay Magaalada Wajaale oo uu ku dhashay. Aaska Marxuumka waxa qayb-galay boqollaal qof oo ka kala yimid Kililka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro, Hal-doorka Ummadda Soomaalida, Wariyayaal, Madax-dhaqameed iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan. Marxuumka oo aad caan uga ahaa Soomaalida dhexdeeda isla-markaana geeridiisa aad looga wada naxay, waxa uu ifka kaga tagay lix Carruura iyo Xaas. Allaah ha u naxariistee Marxuum Cawke waxa Tacsi u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Dhambaalka Tacsida Madaxweyne Siilaanyo oo ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) ayaa u qornayd sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbi weynaha Somaliland, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Tacsi taas la mid ah waxa u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyay hal-door ka baxay Saxaafadda oo Baal-dahaba ka galay taariikhda. Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa isaguna Tacsi taas la mid ah u diray Marxuum Axmed Xasan Cawke. Bahda Warbaahinta ee HUBAAL Media waxay Tacsi u dirayaan ehelka, Qaraabada, Carruurta, xaaska iyo Bahda Saxaafadda ee uu ka baxay. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.