TIRAABTA WARGEYSKA: “Ta Doora Rabbaa Yaqaan, Ka Dooro Adaa Yaqaan”

0
151

Shacbiyahoow, Xisbiyahoow, Xukuumadyahay Iyo Komishanyahowba  Aynu Hareeraha Ka Taagnaano Sidii Ay Innoogu Qabsoomi Lahayd Doorasho Daah-Furnaan Ahi

 

Doorashadii saddexaad ee madaxtooyada ee ka qabsoonta  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  loo dareerayaa muddo ay innaga xigto 32 maalmood oo kaliya. Waxa  la gaadhay marxaladii ay xisbiyada qaranku isa saari lahaayeen masuuliyad weyn oo ay dalka kaga badbaadiyaan in ummaddu ku qaybsanto oo ku kala fogaato xamaasada loollanka doorashada. Waxa xisbiyada looga baahan yahay in ololahoodu noqdo mid nadiif ah oo aan lahayn turxaan iyo is-xajiimayn midna. Waxaa daruuri ah inay saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, murrashiixiintooda ay la yimaadaan saaxada ololaha  tartan hufan oo aan shacabka ladh iyo lur ku abuurin.

Waxa looga fadhiyaa inay waxqabad iyo aragti ku kala hantaan 704,089  (Toddoba Boqol iyo Afar Kun iyo Sagaal  iyo Siddeetanka qof  ee codkooda ka dhiiban doona 1642 goobood oo ku kala yaalla 21 degmo doorasho oo waddanka oo dhan ah 13ka November 2017-ka. Waxa kaloo waajib ku ah inay u hoggaansamaan shuruucda dalka oo ay ku camal falaan xeerkii anshaxa ee ay saxeexeen iyo inay aqbalaan natiijada doorashada oo labada xisbi ee laga helaa ay u haneeyaan xisbiga ka guulaystay. Waa inay xikmada doorashada u bartaan in loo tartamayo sidoo loogu shaqeyn lahaa hal qaran oo ah Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo rubuc qarni ah ku soo socotay aqoonsi la’aan is-bixi. Waxaa mudan in la bogaadiyo madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo   ugu hagar baxay inuu bixiyo dhaqaalaha ku baxay  diiwaangelintii codbixiyeyaasha iyo tan lagu qabanayo doorashadaba. Kadib markii ay qaadhaan-bixiyeyaashii caalamiga ahaa ka cago jiideen inay wax ku darsadaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha isla markaana dhaqaalahii ay ku bixin lahaayeen doorashadu uu raagay.   Sidaas si la mid ah waxa iyaguna guntiga adkaystay oo dedaalay Guddida doorashooyinka qaranka oo barnaamijkooda u diyaargarowga doorashadu noqday mid qanciyay saddexda xisbi qaran, xukuumadda iyo daneeyeyaasha caalamiga ah dhammaantood. diyaar-garowga komishanka waxa u dambeeya tiradii codbixiyeyaasha ee ay Salaasadii soo saareen iyo Axadii oo ay waddanka keeneen qalabkii codbixinta doorashada madaxtooyada. Komishanku waxay u muuqdan kuwo u heellan  inay ka jibo keenaan masuuliyadda culus ee ay dalka u qaadeen, si ay u qabsoonto doorasho xor ah oo daahfuran oo Somaliland ay caalamka ugu muujiso  qaangaadhnimadeeda hannaanka dimuqraadiyada. Waxase u hadhay imtixaankii u weynaa oo ah go’aan ka gaadhista natiijada codbixinta doorashada oo dad badani ay ku suureeyeen inay noqon doonto doorashadii  ugu xamaasada badnayd ee soo marta waddanka. Shacabka reer Somaliland ee haysta kaadhka codbixinta,  waxaa saaran masuuliyad aan yarayn  oo ah inay dalka si lexjeclo leh ugu dooraan madaxweynaha shanaad ee Somaliland hoggaamin doona illaa 2022-ka.  Dadweynaha waxa laga doonayaa inay xisbiyada ay kala taageerayaan aanay ku iloobin qaranimada Somaliland oo ay maanka ku hayaan in saddexda murrashax ay ka weyn tahay qaranimada Somaliland oo tacabka dhismaheedu innagu joogo qiimaha adag. Ugu dambayn,  waxa ay farriinta uu qalinku xambaarsan yahay tahay shacbiyahoow, xisbiyahoow, xukuumadyahay iyo komishanyahowba  aynu hareeraha ka taagnaano sidii ay doorashada madaxtooyadu  ugu qabsoomi lahayd si xor  ah, si Somaliland mar kale caalamka ugu bandhigto  siday ugu libta ay kasoo hoysay  dimuqraadiyadeeda mucjisada ah ee kaga dhex mudhay    mandaqad qalalaasuhu hadheeyay oo dimuqraadiyadu ku tahay naadir. Waxa kale oo mudan in laga faa’iidaysto si ay qaddiyadda Somaliland u iibgeeyaan 60 khabiir oo ka socda beesha caalamka oo korjoogto iyo markhaati ka noqon doona doorashadan. Hadraawi ayaa waxaa Maansadiisii DABAHUWAN ku jirtay tuduc dhaxal gal ah oo aan odhan karo marxalladan oo kale ayaa ay ka turjumaysaa, waa tuduca aynu hal ku dhegga uga dhgnay Qormadan Tiraabta Wargeska oouu yidhi  “Ta Doora Rabbaa Yaqaan, Ka Dooro Adaa Yaqaan”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here