Tirada Codbixiyayaasha Doorashadii 2010-kii Oo Aad Uga Yaraatay Tii Shalay Komishanku Ku Dhawaaqeen Iyo Is-barbardhigga Labada Tiro Ee Gobollada Iyo Degmooyinka Dalka

0
362

Gudaha Ka Akhri Is-barbardhig Wargeyska Hubaal Ku Sameeyey Labada Tiro, Farqiga Soo Baxay, Gobollada Kordhay Iyo deegaannada Galbeedka Oo Sanadkan Lagu Kala Bixi Doono

Tirada Cod-bixiyayaasha Oo Murashixiinta Madaxweynaha Ku Kalliftay Inay Istaraatiijiyad Cusub Samaystaan Iyo Deegaanno Cudud Codeed Loo Tirinayey Oo Nusqaani Ku Dhacday

komiishanka doorashooyinka qaranka

Hargeysa:(Hubaal)-Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada diiwaangelinta cod-bixiyayaasha Somaliland oo ay in muddo ahba ku hawllanaayeen kala hufkeeda, waxana soo baxday tiro go’an oo la filayo inay ka qayb qaataan doorashada madaxtooyada oo qorshaysan dhammaadka sanadkan aynu ku jirno ee 2017-ka.

Kulan ay shalay guddida doorashooyinku ku shaaciyeen tirada cod-bixiyayaasha, ayaa lagu sheegay tirada cod-bixiyeyaal ee kasoo baxday diiwaangelintii badhtamihii sanadkii dhammaaday ee 2016-ka laga qabtay gobollada dalka, waxana xusid mudan in tirada cod-bixiyayaasha ee gobollada iyo degmooyinka dalku kor u kacday, inkasta oo xagga korodhka lagu kala duwan yahay.

Tirada cusub ee cod-bixinta u diyaarka noqon doonta doorashada madaxtooyada ee soo socota, ayaa si weyn uga duwan tii ka qayb-qaadatay doorashadii madaxweynaha ee sanadkii 2010-kii dalka ka dhacday, waxana soo baxay farqi weyn oo muujinaya inay si weyn kor ugu kaceen dadka diyaarka u ah maba isu diiwaangeliyey doorashadani.

Tiradan cusub ee Komishanku soo saaray oo ay il gaar ah ku hayaan axsaabta mucaaridka ahi, waxana korodh laxaad lihi ka muuqda dhammaanba gobollada dalka, gaar ahaan meelaha xusidda mudan ee sida weyn u kordhay waxa kamid ah gobollada Sool, Saaxil iyo Awdal oo qaddar badani ku biiray, isla markaana sababay inay murrashaxiintu goor horeba hoosta kasii xariiqaan meelaha ay diirradda saari doonaan ee codadka ugu badani fadhiyo.

Is-barbardhig kooban oo uu wargeyska Hubaal ku sameeyey tiradii cod-bixiyayaasha ee ka qayb-gashay doorashadii madaxtinimada ee uu xisbiga KULMIYE ku guulaystay sanadkii 2010-kii iyo tirada cod-bixiiyayaasha is-diiwaangelisay ee uu shalay Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqay, ayaa muujinaysa farqi ballaadhan oo soo kordhay, taas oo muujinaysa inay tirada dadka doorashada diyaarka u ahi si weyn u kordheen, iyada oo ay xusid mudan tahay inaanu jirin korodh weyn oo ku yimi gobolka M/jeex sida ay sameeyeen gobollada kale ee la ollogga ahi.

Tirada Cod-bixiyayaasha ee shalay lasoo saaray ayaa saddexda murrashax ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ku qasbaysa inay samaystaan istaraatiijiyad iyo qorshe cusub oo ku aaddan gobollada codka laga raadsanayo, iyada oo kaambaynkooda iyo ballahama ay qaadayaan ku salaysnaan doonaan goobaha codku fadhiyo oo si gaar ah looga shidaal qaadan doono.

 

 

 

Tirada cod-bixiyayaasha gobollada iyo demgooyinka dalka ee shalay Komishanku ku dhawaqeen

———————————————————————————————————————

Degmada Gobolka Tirada is-diiwaangelisay    
  Awdal      
Saylac   26,547    
Lughaya   15,185    
Boorama   90,469    
Baki   14,830    
  Total 147,031    
  Hargeysa      
Gabiley   58,087    
Hargeysa   222,975    
Balligubadle   14,757    
Sallaxley   16,815    
  Total 312,634    
  Saaxil      
Berbera   63,831    
Sheekh   15,011    
  Total 78,842    
  Togdheer      
Burco   144,959    
Oodweyne   23,614    
Buuhoodle   9,933    
  Total 178,506    
  Sool      
Caynaba   31,052    
Laascaanood   29,558    
Xuddun   5,341    
Taleex   5,145    
  total 71,096    
  Sanaag      
Garadag   12,203    
Ceel-afweyn   17962    
Ceerigaabo   50432    
Badhan   4,625    
  Total 85,222    

Is-barbar dhigga Tiradii ka codaysay doorashadii madaxweyne ee 201-kii iyo cod-bixiyaasha shalay Komishanku ku dhawaaqeen

————————————————————————————————-

Gobolka Sanaag   Sool   Togdheer   Saaxil    
Sanadka 2010 2017 2010 2017 2010 2017 2010 2017  
tirada 58,515 85,222 20,878 71,096 111,653 178,506 29,211 78,842  
farqiga 26,707   50.218   66,853   49,631    
                   
                   

Gobolka M/jeex   Awdal    
Sanadka 2010 2017 2010 2017  
Tirada 236,651 312,634 81338 147,031  
Farqiga 75983   65693    
           
           
         

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here