Tirada Dad u Geeriyooday Xannuun Aan Weli La Aqoonsan Oo Ka Dillaacay Deegaanno Hoos Yimaadda Ceel Af-weyn

0
28

news

Hargeysa:(Hubaal)-Ugu yaraan hal qof, ayaa dhintay tiro kale oo badanina way u jiifaan kadib markii ay xannuuno astaamaha shuban-biyoodka lihi ka dillaaceen deegaanka Laas-dumaarre ee degmada Ceel af-weyn oo katirsan gobolka Sanaag.

Sida ay sheegeen kooxo mutadawiciin ah oo iskood isu abaabulay, waxa geeriyooday hal qof oo waayeel ahaa, halka toddoba ilaa siddeed kalena u jiifaan xannuunkaas oo dadka deegaannaas si weyn u saameeyey, kaas oo aan weli baadhitaanno caafimaad lagu xaqiijinin nooca xanuunka rasmiga ah ee uu yahay.

Xildhibaan Cabdi Muuse Warsame oo golaha deegaanka ee degmadaas kamid ah oo warbaahinta la hadlay, ayaa sharraxay astaamaha xanuunkaas iyo weliba dadka uu asiibay da’da ay yihiin, waxana uu yidhi,“Dawladda iyo wasaaradda caafimaadka waxanu u sheegaynaa in jiidda la yidhaahdo Wareeg inuu ka dillaacay xanuun shuban ahi, kaas oo xummad iyo dhiig wata, dadka madaxa la kala jeexayaa kadibna qofku dhiig buu sii daynaa, wuxuuna ku badan yahay dadka waaweyn, Tuulada Laas-dumaarre waxa jiifa ilaa toddoba qof, Huluul lafteedana dhawr qof oo kale ayaa lagu sheegayey iyada oo dhibashona jirto.”

Kooxo is abaabulay oo xagga caafimaadka ku lug leh, ayaa iyagun sheegay inuu shuban xoog lihi dadkaas caam yeelay, isla markaana loo baahan yahay in tallaabo degdeg ah la qaado oo dadkaas la badbaadiyo.

Deegaanka shuban biyoodku ka dillaacay, ayaan haba yaraatee lahayn wax xarumo caafimaad ah oo lagula tacaalo dhibaatooyinka noocan oo kale, waxana dadka deegaanku ka codsadeen wasaaradda caafimaadka inay si degdeg ah gacan uga geysato dhibaatada caafimaad ee halkaas ka jirta.

Cudurrada laga soo sheegayo deegaanno badan oo kamid ah gobollada bariga dalka, ayaa sababteeda loo aanaynayaa dhimashada xoolo badan oo halkaas abaar ugu dhintay, kuwaas oo hadhaagii bakhtigoodu uu saamayn ballaadhan ku yeeshay nolosha dadka, maadaama aanay jirin wax qorshe oo ah oo wasaaradda arrimahaas ku shaqada lihi ugu talo galeen xoolaha dhintay ee bakhtigoodu meel walba yaallo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here