Tirada Fal-dembiyeedyadii Dalka Ka Dhacay Oo Lagu Taxay Fantasiyada Sanadguuradii 22-aad ee Aasaaska Booliska

0
25

Hargeysa:(Hubaal)-Waxa Maalintii shalay magaalada Hargeysa lagu qabtay 22-Guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliska Somaliland, waxana halkaas laga jeediyey Khudbado dhinacyo kala duwan taabanayey oo lagu soo bandhigay horumarkii uu ciidanku gaadhay. Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa lagu lafo guray xaaladda guud ee ciidamada Booliska iyo dhibaatooyinkii shilal, dilal iyo mukhaadarooyin la qabtay leh ee ciidamadu gacanta ku dhigeen, waxana masuuliyiintii halkaas ku sugnaa oo uu madaxweynaha Somaliland kamid ahaa halkaas hambalyo uga direen ciidanka booliska iyo xaasaskoodaba. Ugu horrayn waxa halkaas warbixin dheer oo dembiyada dalka ka dhacay ee kufsi iyo dilalba isku jira  iyo cidda loo qabtay ka jeediyey Madaxa Hawlgelinta ciidanka Booliska Md Maxamuud Ducaale, ducc“Tirada Dembiyada guud ee dalka ka dhacday sanadkani waa 18252-dembi, tirada dilalka sanadkan dhacay waa 61-dil. Inta dhimatay waa 61-qof, inta gacan-ku-dhiigle ee la qabtay waa 55-qof, inta baxsatayna waa 6-qof. Tarada kufisigu guud ahaan waa 80. Inta eedaysane ee gashayna waa 100-qof oo 85-ka mid ah gacanta lagu dhigay.tirada carruurta la tuuray sanadkan waa 8, inta dhimatay ay 5-tahay, halka inta nooli tahay 3-carruur ah, sanadkanna hoos bay ud dhaceen.” Ayuu yidhi Maxamuud Ducaale. Mudane Ducaale oo hadalkiisa sii wata, isla-markaana ka hadlayey shilalka gaadiidka sanadkan dhacay iyo tirada cidda ku waxyeelloowday, ayaa yidhi, “Shilalka sanadkan dhacay waa 2090, inta qof ee ku dhimatay waa 119, dhaawacuna waa 1714-qof, khasaaraha gaadiidkuna waa  1583-gaadhi. Dhibaatada shilalka waxa sal u ah tirade gaadiidka oo badanaysa iyo masuuliyad darrada waddayaasha oo xawaare sare ku socda.” Mukhaadaraadka kala duwan ee sanadkan ciidanku gacanta ku dhigeen ayuu sidoo kale ku dheeraaday, “Sanadkan khamriga la qabtay waxa uu noqday 5250-litir oo khamri ah, halka xashiishadda aanu qabanay ay noqonayso 15-kiiloo iyo  144-duub oo xashiishad ah, eedaysanayaasha aanu ku qabanayna waa 21-eedaysane.” Ayuu yidhi Mudane Ducaale. Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa  hambalyo u diray Ciidamada Booliska, waxana uu sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamada Booliska si weyn loo qalabayeeyey, isla-markaana aqoontooda kor loo qaaday, waxana uu intaas ku daray in ciidamada Boolisku dhawaan gaadhi doonaan heer ay la tallaabsadaan ciidamada Caalamka. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Md Cali Maxamed Waran-cadde oo isaguna Munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey sida ay ciidamadu arrimaha ammaanka u sugeen, waxana uu rajeeyey inay sanadaha soo socda Horumar ballaadhan ku tallaabsan doonaan. Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadda hadallo kooban oo uu booliska ku majeeranayo kusoo xidhay, ayaa sheegay inuu kalsooni badan ku qabo ciidamada Booliska, waxana uu digniin u diray cid kasta oo dalka rabash ka waddo, maadaama dalku leeyahay ciidamo uu sheegay inay Ammaanka si hufan u sigi karaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here