Tirada Xujaajta Ku Dhimatay Xajka Oo Sare U Dhaafay 700 + Masiibaddan Oo Lagu Sheegay Tii Ugu Xumayd Ee Muddo 25 Sanno Ah

0
41

Makka(Hubaal) – Ugu yaraan 717 Xaaji ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday Xajka sida ay sheegtay waaxda difaaca shacabka ee Sucuudiga. Guddida difaaca shacabka ayaa sidoo kale sheegay in  863 qof ay ku dhaawacmeen is-cidhiidhiga dhacay maalinta Ciidal Adxa.

Waaxda difaaca waxay sheegtay in dadku isku cidhiidhyay Jid lagu magacaabo  204 oo ah Mina oo 5KM ka baxsan magaalada barakaysan ee Makka.

Afhayeenka Waaxda difaaca shacabka ee Sucuudiga ayaa sheegay in hawlgal lagu caawinayo dadka dhaawacmay ay ka qayb qaadanayaan 220 gaadiidka Ambalaaska ah iyo 4,000 oo shaqaalaha badbaadada ah.

Intii lagu guda jiray wakhtigan xajka waxaa dhacay shil uu sababay Wiish dhisme oo soo dhacay, kaasi oo sababay dhimashada 107 qof iyo dhaawaca in ka badan 200.

Daawo Muuqaalkan


Members of Saudi civil defense try to rescue pilgrims following a crush caused by large numbers of people pushing at Mina, outside the Muslim holy city of Mecca in this handout picture published on Twitter account of the Directorate of the Saudi Civil Defense September 24, 2015. REUTERS/Directorate of the Saudi Civil Defense/Handout via Reuters

mecca6_3451439b

 

Hajj-kill-1 hajj2

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here