Gabaygan waxa curiyay Mawliid Aadan Cumar oo ugu baroordiiqay Alle ha u naxariistee Xog=hayihii ururka SOLJA marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo lagu aasay Hargeysa Todobaadkii ina dhaafay,tixdan gabayga ayaa waxa uu Mawliid kaga hadlayaa geeridu inay xaq tahay oo Alle ku xukumay adoomahiisa dunida guudkeeda jooga islamarkaana waxa uu ku cabirayaa gabaygan kaalintii uu marxuumku kaga jiray bulshada dalka Somaliland gaar ahaan hiilkii iyo halgankii dheeraa ee uu u huray naftiisa,dantiisana uga hor dhigay sidii ay saxaafadda Somaliland iyo xoriyatul-qawlku u jiri lahaayeen iyo in badan oo Mawliid ku sheegayo gabaygiisan waana kan:
Waa Geedi Aakhiro’e
Ma Galbaday Halyeey Maxamed
Ma Guddoomay Xukunkaa
Gabi ahaan Inoo Yaala
Galbiskii Jinaasadda Iyo
Guutooyinkii Dhigay Iilka
Geeshkaa Alle Isugu Keenay
Ee Aasay Waa Gobnimadiisiiye
Allahayow Marxuum Maxamed
Gee Janada
Wuxuu Ahaa Geesi Laab Furane
Gaadhsii Allahayoow
Wixii Duco La Guud Yeelay
Guuloow U Fududee Su’aalaha
Godkana U Waasici
Gurigii Uu Ka Baxay Iyo
Waalidkii Dhalay
Allahayoow Samir Ku Gaadh
Ehelkii Garwaaqsaday Hadiisa
Allahayoow Samir Ku Gaadh
Golihii Saxaafada Iyo
Asxaabtiisii Guud
Allahayow Samir Ku Gaadh
Geesiyadii Ugu Mudnaa
Halgankii Gobonimada
Maxamuud Shiine Iyo Lixle-ba
Allahayoow Samir Ku Gaadh
Warsame Gaas Iyo
Gurmadkii Afrikadu Galeen
Mawdkaa Ka Gaadhaye
Guto Waajibkoodee
Allahayoow Samir Ku Gaadh
Gudbiyeyaasha Wararka
Wargeysyada Geyiga Somaliland
Gu’ Roonow Jamhuuriya
Haatufkaa Gaboobe
Geeskaa Kamaal Guddoonsho
Saxansaxo Iyo Ogaal
Guga Foore
Gadh-wadeen Madar Iyo Himilo
Keef Iyo Hubaal
Gu Yare Sahan Iyo Somaliland
Saldhigii Marxuumka Ee Saxafi
Dhamaan Website-Yada Iyo Tv-Yo
Warfidiyeenada Idil Ahaantood
Guuloow Samir Ku Gaadh.