Tix Geeraar Ah Oo Ku Saabsan Xuska 18 May

0
75

Geeraar Ku Saabsan Xuska 18 May

  1. Qof muwaadin ahoo
  2. Miyirkiisu dhanyoo
  3. Wax miisaami karoow
  4. Maskaxdaada qiyaas
  5. Ma may-daynu xusnaa
  6. Maryo soo tolanaa
  7. Suuqyadaynu marnaa
  8. Muusikbaan tumanaa
  9. na arkaay na maqlaay
  10. Ku mabsuud noqonnaa?
  11. Mise mayd-ka badaa
  12. Bahaluhu ku mameen
  13. Ayaa maanta habboon
  14. Inay meelsan tagaan
  15. Duco mowlaha wayn
  16. Marti looga noqdoo
  17. Manfac looga dhigaa?
  18. Mise qoomka haddeer
  19. Wali moogan dhibtee
  20. Magafaha ku socdee
  21. Madaluufka abaa
  22. Maanta loo taliyaa
  23. Intaan loo murugoon
  24. Maare loo hindisaa
  25. Mashaariic u furnaa
  26. Waxay meel ku dagaan?
  27. Ma may-daynu xusnaa
  28. Maryo soo tolanaa
  29. Suuqyadaynu marnaa
  30. Muusikbaan tumanaa
  31. na arkaay na maqlaay
  32. Ku mabsuud noqonnaa?
  33. Mise maalka baxee
  34. Maalaayiinka ahbaa
  35. Masaakiinta qadeen
  36. Mood aduunyo lahayn
  37. Masruuf looga dhigaa
  38. Maalmo ay anfacdaan
  39. Maararow ka dhigtaan?
  40. Mise maalmo hortood
  41. Abaartii muldhisee
  42. Dhulka mood ka dhigtee
  43. duunyo maaruqdayee
  44. dadkii qaar malagtee
  45. markii aynu itaal
  46. qaban waynay midhkaa
  47. miciinkiisa allii
  48. marqaa nooga furee
  49. samadii malmalayd
  50. mayay nooga shubaa
  51. ileen wuu mudanyee
  52. mahad loo ciliyaa?
  53. Bal midkaynu falnaa
  54. Maanta uugu haboon
  55. Manfaceena daneed?
  56. Marag uuga dhignaa
  57. Makhluuqoo dhan allii
  58. Maamulkooda lahaa

Miskiin ina xiiray

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here