“Waan Ku Faraxsanahay Anoo Nabad Qaba Oo Caafimaad Qaba Haddii Aan Dadkaygii Iyo Dalkaygii Kusoo Laabtay”
Hargeysa (Hubaal) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo shalay dalka ku soo laabtay kadib socdaal uu bil ka hor ugu kicitimay wadammo Yurub ah ayaa sheegay in uu qorshihii safarkiisa u soo gaabiyey xaallada siyaasadeed ee dalka ka aloosantay intii uu maqnaa. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo soo dhawayntiisa shalay ay madaarka Hargeysa kaga hor tegeen mas’uuliyiin golaha wakiillada ka tirsan iyo qaar kamid ah kaadiriinta xisbiga WADDANI ayayaa mar uu warbaahinta qaarkeed war kooban ku siiyey gudaha madaarka waxaa uu ka warramay waxyaabo uu kala soo noqday safarkiisa iyo kulamo uu la yeeshay masuuliyiinta waddamadii uu soo maray. Guddoomiye Cirro waxaa sidoo kale uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee KULMIYE ka dhex oogan iyo weliba goorta uu xisbigiisa WADDANI qabsanayo kal fadhiga golaha dhexe ee WADDANI ay ku dooranayaan musharraxooda. Guddoomiye Cirro oo ugu horayn u mahadnaqay dadka soo dhaweyntiisa waxaa uu yidhi “ waan ku faraxsanahay anoo nabad qaba oo caafimaad qaba haddii aan dadkaygii iyo dalkaygii kusoo laabtay, waxaan u mahad naqayaa dhammaanba dadka isoo dhaweeyey oo uu shir guddoonka golaha wakiillada ugu horeeyo, madaxda xisbiga, xildhibaannada labada gole, dhalinyarada iyo dhammaanba shacabka reer somaliland ee halkan igu soo dhaweynaya,”Ayuu yidhi Cirro, waxaanu intaa ku daray “Waxa runtii safarkaygu ahaa laba qaybood, waxaad ka war-qabtaan in goluhu markii hore uu ku jiray fasax, markaa fasax iyo shaqo ayuu isugu jiray,haseyeeshii waan soo gaabiyey hawlaha wadanka ka jira awgood,waxaan dalka ka maqnaa muddo afar todobaad ku dhaw,waxaan soo maray saddex wadan, dalka Finland oo aan kula kulmay qaar kamid ah masuuliyiinta dowlada iyo jaaliyada reer somaliland ee halkaasi joogta,waxa kale oo aan marti qaad ka helay baarlmaanka yurub iyo baarlamaanka Holand oo aan mudo todobaad ah halkaas soo joogay waxaan la kulmay guddiyada golaha Holland iyo wasaarada arimaha debada ee Holand, waxaan siiyey xog-waran ku saabsan xaalada somaliland iyo sidii loo kordhin lahaa kaalmada somaliland la siiyo gaar ahaan mashaariic ku saabsan shaqo abuur, gaar ahaan dhalinyarad sida aynu ka warqabno wey shaqo la’yihiin iyo adeega guud oo la kordhiyo, ha ugu horeeyaan biyaha iyo caafimaadku, waxa kale oo aan uga xog-waramay doorashooyinka iyo diwaangelintu halka ay marayaan,arimaha ictiraafka somaliland, arimahaas rajo wangaasan ayaan ka dareemay “Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro
Guddoomiye Cirro ayaa wax laga naxo ku tilmaamay wasiiradii tirada badnaa ee iska casilay xukuumadda siilaanyo,isagoo sidoo kalena ka haddlay khilaafka KULMIYE,”Waxa iyadu naxdin lahayd in xukuumadda maalin kaliya ka dareeraan in ka badan 10 wasiir. Markaa xukuumadu waa xukuumadii qaranka, xisbiga la doono ha laga dhisee, way ka duwan tahay xisbigga. Waxay masuul ka tahay maamulka waddanka, waxay masuul ka tahay amnigga, waxay masuul ka tahay qabashadda doorashooyinka, waxay saamayn ku yeelan doonta qaranimadda Somaliland. Runtii arrintaasi werwer badan ayay galisay axsaabta mucaaridka, shacabka iyo caalamka baa oo arrinta xalkeedu wuxuu saaran yahay Madaxweynaha Somaliland, waxan rejaynayaa in ay arrintaasi soo afjarantoo.”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro
Gudoomiye Cirro oo wax laga waydiiyay inay waddahadal la furayaan wasiiradii xilka ka degay iyo xilka la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani, waxa uu yidhi “Runtii anigu waanu ixtiraamaynaa qofkasta xisbigu ku jiro ayaanu ku ixtiraamaynaa, Runtii masuuliyiinta iscasilay xilka wasiirnimo ayay iska casileen ee kamay bixin xisbiga kulmiye, marka wixii ka baxa way noo furan yihiin in aanu la hadlo. Laakiin imika waxaanu ku ixtiraamaynaa inay wasiiraddii ka tageen oo ay xisbigoodii ku jiraan siday iyaguba sheegeen. Qabsashadda xisbiga golihiisa dhexe ma foga oo sannadku intaanu dhamaan baanu qabsanaynaa ama ka soo socda horaantiisa”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro
Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashaddaan midnimadooda iyo nabadgalyadooda”Waxaan shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa inay midnimadooda iyo nabadgalyadooda ilaashadaan.Waxaan ku soo gunaanadayaa hal kalmad oo ah runtii kulmiye inaga dooranay Madaxweyne ah. Marka waxa la soo gaadhay waqtigii aynu sii wanaagsan u sii wadici lahayn xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, si wayna u soo dhawayn lahayn xisbiga Waddani.