Trump Oo Cunaqabatayn Saaray Iran Ka Dib Markii Ay Gantaal Tijaabisay

0
34

gantaal

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Iiran ka dib markii ay dhawaan tijaabisay gantaal.

Waaxda maaliyadda ee Maraykanka ayaa shaacisay tallaabooyin ka dhan ah 13 qof iyo daraasiin shirkado oo dalka Iraan laga leeyahay.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitterka waxa uu ku soo qoray mar sii horaysay ”Iiraan dab iyo holac ayey ku dheelaysaa, ma fahansano naxariista uu Obama u muujiyey. Aniga taa iga ma helayaan”.

Iraan ayaa dhinaceeda sheegtay in aanay dhag u raaricin doonin waxa ay ugu yeertay cagajuglayn aan micno lahayn oo ka imaanaysa ayey tiri ”qof aan khibrad lahayn”

Kooxaha cunaqabataynta la saaray waxay ku sugan yihiin Imaaraadka Carabta, Lebnaan iyo Shiinaha.

Isbuucan ayaa la taliyaha dhinaca amaanka ee madaxweyne Trump Michael Flynn, ayaa sheegay in maamulka Mareykanku uu digiin u diray Tehran.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here