Washington (Hubaal)- Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu aqbalayo xaqiiqada baadhitaanka laamaha sirdoonka Maraykanku ku sheegeen in Ruushku farogeliyey doorashadii Maraykanka ee 2016-kii, taas oo ah mid burinaysa hadalladii uu sheegay shirkii uu la yeeshay Vladimir Putin Isniintii. Trump waxa soo wajahay naqdi adag oo uu kala kulmay aqalka Congress-ka oo ku dhaliilay hadalkiisii ahaa in aanay u muuqan sabab caddayn karta in Moscow doorashooyinkaa farogelin karaysay. Laakiin hadalkiisan u dambeeyey ayaa waxa uu ku sheegay in uu doonayey in uu ku iftiimiyo in hadalkaa uu hore u yidhi uu ula jeeday in aanay jirin sabab lagu malaysan karo in Ruushku faro gelin karayey doorashada. Wuxuu balan-qaaday in uu ilaalinayo doorashooyinka dambe ee dalka ka dhici doona, hase yeeshee waxa uu ku adkaystay in xidhiidh diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhex mara dalkiisa iyo Ruushku ka fiican yahay khilaaf iyo colaad ka dhex abuuranta.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Trump oo ‘HALMAAN HADAL KUMA JIRO’ Ku Macneeyey Weedho Congress-ku Dhibsaday Oo...