Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Barack Obama uu ka dambeeyo dibadbaxyada ka dhanka ah xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga iyo sirta la shaaciyay ee amniga ku saabsan.
Wuxuu TV-ga Fox News u sheegay : “Waxaan u maleynayaa in madaxweyne Obama uu ka dambeeyo, sababtoo ah dadkiisa ayaa arrintan abaabulaya”. Wuxuu intaa raaciyay “Waxaan xittaa u maleynayaa in arrintan ay siyaasad tahay”. Donald Trump ma aanu cadeynin sheegashadaas iyo eedaha uu Obama u jeediyay. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaan ka jawaabin dhalleeceynta Trump ka soo yeedhay.
Trump ayaa sidoo kale ka hadlay qorshihiisa miisaaniyadda iyo arrimo kale. Hadallada uu Fox News u sheegay waxaa ka mid ah:
Trump wuxuu isa siiyay inaanu hadal badneyn balse uu dadaal heer sare ah sameeyay, guul weyna uu gaaray
Qorshihiisa dhaqaalaha difaaca wuxuu ku daray $54 bilyan oo dollar.
Wuxuu sheegay inuu “munaafiq” noqon lahaa haddii uu tagi lahaa casho saxaafadda loogu sameeyay Aqalka Cad, asigoo iftiiminaya “warka been abuurka ah”
Madaxweyne Trump wareysiga laga qaaday waxaa la baahiyay saacado ka hor inta aanu Congress-ka u sheegin qorshihiisa dhimista kharashka iyo xoojinta dhaqaalaha.
Waxaa la weydiiyay dibadbaxyada ka dhanka ah qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jamhuuriga ee ka dhacaya dalkaasi oo dhan.
Wuxuu sheegay inuu ka shakisan yahay dad daacad u ah Obama inay abaabuleen dibadbaxyada siyaasiyiinta looga soo horjeedo iyo kuwa ku saabsan sirta Aqalka Cad ee la xaday.
“Marka la eego arrimahan uu asiga ka dambeeyo, waa siyaasad. Wayna socondoontaa xaqiiqdii”, ayuu yidhi Trump.
Trump wuxuu sheegay in jeedadiisa ugu weyn ay tahay inuu sare u qaado dhaqaalaha dalka Mareykanka.
Xigasho: bbc