Tubta Nolosha Iyo Ku Tookha Diinta-W/Q: Guuleed Dalxa

0
113

Qormada Koowaad : AKHLAAQ WANAAGGA

Waa astaan ama aragti aadamaha aduunka ku unkan dhammaantood ka marag kacaan; waa wax aan ugub ku ahayn bulshada amin nool ee waxa weeye mabda’ soo jireen ah, badanka lagu tilmaamo fartana loogu fiiqo inay ku koobantahay dadka; maaha codka halaasiga ah ee ay ku hantaaqayaan dadku; mana aha wax ku gaar ah haldoorka ee xataa hudeeca ayaa ku sifoobi kara. Kama soo burqato maanka qof lagu tuhmo murti idilkeed; kamana dhalato indheer garad garaadkiisa iyo garashadiisu xeel dheertahay; han-gaab ka dheer lagumana tilmaamin handheere; akhlaaq suuban; asraartan yari iyo ixtiraam togan kama foga warcelintu.

guuleed dalxaAlle SWT wuxuu Suubahana ku tilmaamay mid ku suntan akhlaaq wanaagsan. Waxaana uu yidhi, “ Waxa kuu sugnaatay akhlaaq weyn.” Aayadaasi waxay si weyn ugu habsanaysaa Nebiga SCW; waxayna ku ammaanaysaa halka ay gaadhsiisay sifadaasi. Ummadi waxay horumar ku talaabsataa; hiigsigeedu fogaadaa; hankeedu dheeraadaa; halyeeyadeedu hanaqaadaan; hamigeedu rumoobaa; hiilkeedu dhaboobaa;  hadal hayntoodu badataa; markay warka Alle iyo rasuulkiisa hal-haleel u wada qaataan hawraarsanna laga helo.

Dharaaraha soo socda, waxaan haddii Alle idmo is dul taagi doonaa, ama tafniidi doonnaa Islaamka iyo mid ka mid ah tiirarka lagu majeerto – akhlaaq suuban. Waxaad wada xasuusataan sidaan filayo xadiith ka sugan nebiga SCW oo aan ku soo wada dhiganay Arbiciinkii ( Arbaciin Annawawi), oo odhan jiray, “ Dadkana kula dhaqan akhlaaq wanaagsan.” Darajada xadiiska waxaan filayaa inuu Xasan ahaa, waxaana werin jiray Mucaad Binu Jabal. Kutubta laga soo dheegtay waxaan ka sii xasuustaa Sunanu Ibnu Maaja.

Toorihii iyo dhabihii saxdaa ahaa ayaa dhalin iyo waayeelba ka weecdeen, badankoodii, wadaadkii iyo wabiilkiiba waxbadan maanta isma dhaammaan; tognaan iyo tabnaan ayaa la kala garan laayahay; waxa baanis la isla dul taagaa tuugga afar kabood laha ah, waxaana la tabceeyaa tafiirtii ummadda Suubanuhu uga tagay. Ta ugu sii daran waa dheehii ummadda – dhalinyarada, oo runtii badankoodii majarihii ka habaabay. Sida ay ila tahay, haddii ay akhlaaqdu hagaagto, gebi ahaan dhalintu way wada toosayaan; bash-bash iyo barwaaqo ayaynu jaqaynaa; karuur iyo gadhoodh ayaynu dhamaynaa; sogob iyo suusacna waynu fuudaynaa; waxaan jikre, hooto, gantaal iyo guhaad ula tagaynaa cadawgeena, Muslimiintana guud ahaan guul iyo horumar ayaynu u horseedaynaa.

Aqoonyahannada ku talaxtagay diinta Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna aqoonta Xadiiska Nebiga SCW, waxay si toos ah iyo si dadbanba u sheegeen in axaadiista ku timid akhlaakh wanaaga aad u badantahay. Tusaale ahaan, markii aan daba galay 2 sanno ka hor, waxaan ogaaday in axaadiista ku timid akhlaaq wanaagu gaadhayaan 60 xadiis. ( F.G. Dhammaan axaadiistaa gaadhaysa 60 waxay gaadheen darajada lagu daliishan karo xadiis, sida Xasan ama Saxiix) Tani waxay ku tusinaysaa muhiimaddiisa, mansabkiisa iyo maqaamka uu Islaamku iska taagay.

Hilinkayga iyo dulucdaydu maaha inaan dhammaan keeno axaadiistaas oo aad ila wadaagtaan, ee waxaan abbaarayaa Suubanihii oo ay ka soo burqadeen bal sida uu uu dhaqan geliyay. Kolkaas ka dibna, akhriste waa inaan ku isku daynaa inaan dhaqan gelinno. Waayo Dhaqan Galintu Waxay Ka Dhigtaa Qofka Inuu Qummanaado.( Practice makes you perfect.) Ma habboona in wixii aan qorshaha ku darsano, kolkaan seexannana la hilmaamo. Aqoon yahannada darsa aqoonta maamulka iyo maarayna ayaa yidhaahda, “ Way fududahay in la qorsheeyo, laakiin way adagtahay in la fuliyo.” ( Planning is easy but implementing is challenging.) Ugu danbeyn, qormooyinkan aynu soo bandhigayno, waxaan xoogga saari doonnaa inaan hubsano xogta aan dhiibayno inay sugan yihiin iyo in kale. ( Nusuus thaabita).

Weydiin: Maxaa looga jeedaa akhlaaq wanaagsan? Waxa Nebiga SCW uu yidhi xadiis ku jira (Saxiil Al Muslim 2553), “ Waxkasta oo wanaagsan waa akhlaaq wanaagga.” Waxa dhici karta inaad ku dooddo kuma jirto xadiiska ‘waxkasta’. Waxa ku jirta AL waa ISTIQRAAQIYA marka loo noqdo cilmiga USUULKA. Waxay faaideysaa in waxa laga hadlayo markaasi uu soo wada galayo xukunka ( Cumuum).

Sh Ibnu Cuthaymeen isaga oo sharaxaya xadiihtkaas ( Arbaciin Annawawi waa xadiiska 27aad) wuxuu ku soo ururiyay sidan: Akhlaaqda wanaagsan ee la sheegayo waa mid lagula dhaqmo Alle iyo mid lagula dhaqmo Aadamaha. Tan hore, Alle akhlaaqda suuban ee lagula dhaqmayo waa in loo hogaansamo isla markaana laga raali noqdo wixii axkaan ah ee la innagu waajibiyay, iyo inaanay dhib kugu ahaanin ama aanay cidhiidhi ku galin waxa lagaa sugayo. Tusaale ahaan, waxa lagu faray inaad salaadda oogto, sakada bixiso, soonto, kolkaa waa inaad kala kulantaa laab xaadhan oo soo dhawaynaysa wixii lagu xukumay.

Tan labaad waxay tahay: in dadka laga haysto dhibaatadaada, ku samirto dhibta ay kuu gaystaan iyo sidoo kale in wajigaaga oo furan aad kala hor tagto ummadda.

Isku soo wada xooriyoo, Suubanihii Muxammed SCW waxaa uu tuugay Rabigii sida uu sheegay Xadiis ku sugan Musnad Axmed oo Caaisha werinayso (weriyayaasha ku jira taxannahaasi dhammaan waa lagu kalsooyahay) isagoo tiraabay, “ Allahayaw abuurkaygii wanaajisee, akhlaaqdaydiina wanaaji.” Sidaa si la mid ah, wuxuu Alle ka magan gali jiray akhlaaq xumada sida ku sugan Xadiiskii Abuu Hureyra ee ku jiray Abuu Daa’uud iyo Nasaaii.

Guuleed Maxamed Yaasiin ( DALXA)

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

063-4839797

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here