Tuhunka laga qabo wasiirada ugu tunka weyn xukuumada Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo xaqiiqada ku gadaaman!!!

0
56

c-rashiid maxamedAkhristayaal marka hore nabadgalyada Eebe iyo barakooyinkiisu kor keena ha ahaato bariido ka dib waxaan buuga iyo qalinka isku dulsaaray qormo cusub oo taxane noqondoota oo aynu ku wada milicsandoono gadgadoonka siyaasadeed ee horayso iyo danbayso, mooganaanta masuuliyiintii qaranka loo igmaday iyo marxalada guud ee maanta dalkeenu maraayo, hadaba waxaynu ognahay in Somaliland aanay haysan aqoosi ay kula macaamisho adduunka intiisa kale oo ay ubaahan tahay dadaal dheeraad waloow ay jiraan dad sharaf iyo karaamo mudan oo habeen iyo maalinba heegan ugu jira sidii ay Somaliland aqoosi buuxda uga helilahayd adduunka. Sidaasi darteed qarankani wuxuu jiraa 23 sanadood oo uu soo maray xaalado kala duduwan oo lahaa samirkeeda iyo adkaysigeeda loona huray wakhti iyo maal farabadan. Si loo gaadho himilooyinkii aynu hiigsanaynay ee ahaa nidaamka dimoqoraadiyada iyo asxaabta badan loona dhabaystiro hanaanka dawladnimo ee aynu cagta saarnay loona koriyo habsami usocodka iyo ilaalinta shuruucda qaranka.

Hadaba waxaynu ognahay in maalintii ay taariikhdu ahayd 21 /09/2014 ay xukuumada iyo asxaabta qaranku wada gaadheen heshiiska diwaangalinta madaniga ah iyo ta codbixiyayaasha oo odhanaaya in doorashada marbaa lawada qabanaayo, oo dhaafimayso xiligii loogu talagalay hadana waxaad moodaa in ay tahay Jiirkii rabay in uu ku qaniino ee hadana ku afuufaayay, taas oo looga baahan yahay in asxaabta mucaaridku fiiro gaar ah ka yeeshaan sidii loola xisaabtamilahaa sababtoo ah dalkeenu wuxuu qaatay nidaamka asxaabta badan ee ku dhisan loolan siyaasadeed oo u baahan istoosin iyo istusaalayn farabadan.

Sidaasi darteed waxaa maalmo dhawayd soo if baxaayey hadalo isburinaaya oo aad mooddo in ay tahay khalkhal siyaasadeed oo ay wadaan masuuliyiinta sare sare ee ugu tunka wayn xukuumada madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo oo caadaystay in ay khilaaf hor leh hadana ka abuuraan xisbiga kulmiye dhexdiisa iyagoo ilaashanaaya danahooda gaarka ah ee aan u danaynay dalka iyo dadkii larabay in ay u shaqeeyaan, waayo way yartahay masuul aad ugu imanayso xafiiskiisa xiliyada ay shaqadu socoto, hadaba waxaynu eegidoonaa inagoo si qotodheer u duljoogsandoona isbadalada siyaasadeed ee soo wajahay dalkeena. Iyadoo lagu gudojiro marxalad ay jiraan duruufo qalafsan oo wadamadii caalamku inagu soo xidhmeen, dhalinyartii oo tahriib ku dhamaatay oo aanay jirin cid alaale cid ka diir naxaysa oo ka dabqanaysa dayartaa badaha ku daadanaysa ee dawladdii la soo doortay aanay ka warhaynin ubaxii dalka ee ay ku maaweelinjirtay xiligii ay ololaha ku jirtay UDUB WAY TAGAYSAAYE HA TAHRIIBIN WALAAL, waloow ay xukuumada Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay samaysay horumar lataaban karo hadana waxaa jira godaloolooyin iyo tuhun balaadhan oo ay Madaxtooyadu ka qabto raxan wasiiro ah oo loo tuhunsanyahay in ay isku haynkaraan shacabkii ay kasoo jeedeen iyo xukuumada oo laga sugaayo in ay doorasho dalka galiso. Hadaba wasiiradani ma yihiin kuwii shacabkii madaxwaynaha soo doortay matalikara? dib ayaynu ka sheegdoonaa, laakiinse shacabku ma ku baraarugsanyihiin wasiirada u shaqeeyaa waxay u qabtaan dadka iyo dalkaba? sidaasi darteed su’aasha iswaydiinta lehi waxay tahay wasiirada ugu tunka wayn ee haatan joogaa Madaxwaynaha doorasho magalin karaan oo shacabkii ay kasoojeedeen hor tagikaraan, iyada oo ay soo if baxayso in Madaxwayne siilaanyo uu amar ku siiyey golihiisa wasiirada in ay qaadaan olole balaadhan oo lagu kasbanaayo lagagana dhaadhicinaayo deegaankoodii iyo dadkoodii waxqabadkii xukuumada isla markaana ay kaga hortagaan baaqyada asxaabta mucaaradka, iyadoo arimahaasi oo dhami ay jiraan jawaabta waxaan u dhaafayaa dadwaynaha Jamhuuriyada Somaliland.?

Lasoco……………….

C/rashiid Maxamed H. Aadan (Global Political Analyser)

Email:rashiid40@gmail.com

Tell: 0634448888

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here