Tunisia Oo Xadka Liibiya Ka Taagaysa Derbi Gabbood Uga Noqdo Weerarrada Daacish

0
28

Hargeysa:(Hubaal)-Dowladda Tunisia ayaa ku dhawaaqday in darbi dheer ay ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto dalka Libiya, si ay uga gaashaamato weeraro uga yimaadda Kooxda Daacish oo halkaas saldhig muhiim ah ku leh.  Ra’iisul Wasaaraha Tunisia Habib Essid ayaa sheegay darbiga dheer ee laga dhisayo xuduuda uu qorshihiisu yahay sugida amniga dalkaasi oo muddooyinka kooxaha islaamiyiinta ahi weerarro qorshaysan ka fulinayeen. Darbigan ayuu dhirirkiisu yahay illaa 160Km, iyadoo Tunisia ku dooneyso inay kaga hortagto in kooxo mintidiin ah oo ay sheegtay inay uga soo gudbaan dhinaca Libiya.  tunisia-securityWaxaa uu sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay tallaabooyinka ay dowladdiisa kula dagaalameyso Argagixisada.  Madaxweynaha Tunisia ayaa dhowaan sheegay in dalkiisa uu ku soo rogay xaalad deg deg, si wax looga qabto amnidarada ku soo korordhay.   Laba toddobaad ka hor ayay aheyd markii nin hubeysan uu ku dilay xeebta magaalada loo tamashlaha tago ee Sousse illaa 38 qof oo dalxiisayaal ahaa, kuwaasoo badankoodu ka soo jeeday Dalka Britain.   Bishii March ayay aheyd markii dabley hubeysan ay weerareen madxafka bardo oo ku yaal magaalada Tunis, halkaasoo dad ku dhow 22 ruux lagu dilay. Koox Islaamiyiin ah oo gacan saar la leh Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarada ka dhacay dalka Tunisia.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here