Turkey: Erdogan Oo Guul Kasoo Hooyey Aftidii Distoor Ee Uu Dabada Ka Riixayey Iyo Nuxurka Awoodaha Uu Haatan Heli Doono

0
59

Stanbul:(Hubaal)-Mid kamid ah aftidii ugu muhiimsanayd ee soo marta taariikhda waddanka Turkeyga, ayaa halkaas ka dhacday, waxana guul kusoo dhammaaday afti uu dabada ka riixayey madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan oo isagu doonaya inuu awoodda dalka saamayn ku yeesho.

codbixinta turkiga

Aftidan oo shalay la qaaday, isla markaana ay shacabka Turkigu si weyn uga qayb qaateen, ayaa  natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday noqotay mid aan aad loo kala fogayn, waxana xisbiga AK ee uu madaxweynuhu hoggaamiya, isla markaana halgan ugu jira wax kabeddelka distoorku uu helay codad dhan 51% codadkii la dhiibtay, halka qolyaha diidanina ay heelaan tiro ku siman 49%.

Aftidan, ayaa meesha ka saaraysa nidaamka ra’isal wasaaraha ee uu dalkaasi muddada dheer kusoo caano maalay, waxana isbeddel lagu sameeyey qodobbo muhiim ah oo ay kamid yihiin inuu madaxweynuhu isagu soo dhisi doono golaha wasiirrada, sidoo kalena inuu madaxweynuhu ka bixi doono dhexdhexaadnimadii oo uu noqon doono madaxweyne xisbi kasoo jeeda, isla markaana Baarlamaanka iyo madaxweynaha isku mar la dooran doono.

Madaxweyne Erdogan oo dalkiisa aad looga jecel yahay, ayaa noqon doona madaxweyne awooddiisa ku socod siiya waxyaabo badan oo uu aaminsan yahay inay xilkiisa caqabad ku yihiin, waxana meesha ka bixi doona goldaloolooyinkii militerigu ka faa’iidaysan jireen ee sababay in sanadkii hore uu madaxweynuhu si dirqi ah ugaga badbaado inqilaab la isku dayey.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyey hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee xaaladdan ugu garab galay iyo go’aannadii adkaa ee ay qaateen.

Saadaasha Ayaan sidan hore ugu fogayn iyada oo sababtu tahay in xisbiyo  kala duwan oo kala duwan ay kasoo horjeedeen rabitaanka madaxweynaha, iyada oo deegaanno badani arrintan kasoo horjeesteen.

Aftidan ayaa noqonaysa  afti distoor loo qaado middii ugu  xamaasadda badnayd, waxana ay lix ku noqonaysaa shan aftiyood oo hore dalkaas looga qaaday oo ay mid kamid ahi guuldarraysatay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here