Hargaysa(Hubaal) Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in ka badan 245 macdan qodayaal ah ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay goob laga qodo macdanta dhuxusha oo ku taal galbeedka Turkiga.
Dadka ka shaqeeya samatabixinta ayaa si weyn u baadi goobaya in ka badan200 oo macdan qodayaal ah kuwaas oo weli la la’yahay.
Boqollaal qaraabo la ah dadka ka shaqeynayay macdanta laga qodo oo walwalsan ayaa ku soo ururay meel u dhow meesha laga qodo macdanta, xilli dadka ku howlanayeen badbaadinta ay bannaanka keenayaan dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawaca ah.
Dhinac kale Ra’iisul wasaare Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay, in dareenkiisa uu la jiro dadka ay saameysay musiibada.
Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Republican People’s Party ayaa sheegay in dowladda ay qaadayso mas’uuliyadda waxa ay ku tilmaameen musiibada weyn ee ka dhacday goobta laga qodo macdanta ee Soma
Isaga oo raysalwasaare Erdogan uu ugu baaqay mucaaridka in aanay arrintan masiibada ah ka dhigin mid siyaasad ah
Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan si ay boqolaal qof oo dhulka hoostiisa ku xayiran u soo badbaadin lahayeen.