TURKIGA: Masiirka Somaliland Iyo Iska Horgeynta Wufuud Isku Hayb Ah

0
33

Hargeysa, (Hubaal)-Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Guddida Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Somalia, ayaa shalay ka ambabaxay Magaalada Hargeysa, iyagoo ka qayb galaya shirka labada dhinac uga furmaya Magaalada Istanbul ee carriga Turkiga.

Wasiirka Arrimaha dibadda oo intii aanu ka dhoofin madaarka Cigaal international warbaahinta uga waramay safarkooda ayaa yidhi; “Maanta (shalay) waxa aniga iyo waftigan balaadhan ee aanu wada socono u ambabaxaynaa shirkii Turkiga oo maalinta Axda bilaabmaya, socondoonana ilaa Isniinta oo aanu wadahadlayno dawlada Somaaliya, waxaanan filaynaa in aanu guul ka keeno. Sidaad la socotaana shirararku waxa weeyaan Somaliland iyo Somaaliya oo ah laba dal oo kala duwan ah, xuduud mucayina leh oo dadka aanu wadahadlaynaa maaha dad reer Somaliland ah, waxaanu wadahadlaynaa dad Xamar ka yimi, haseyeeshee nidaamka Somaliland waxa weeyaan in aanu la xidhiidhno oo la hadalno dadka ka socoda Somaaliya ee ah xuduudihii Talyaaniga, anaguna waxaanu nahay kuwii Ingiriiska labadaa dal ee kala duwan ayaa wadahadlaya oo wixii Isirkoodu hore u ahaan jiray Somaliland anaga shaqo naguma laha, waayo Somaliland ma wadahadlayso ee shirku waa Somaliland iyo Somaaliya.”

wadahadaladaMaxamed Biixi waxa kale oo uu sheegay in qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya la isu afgartay in la fuliyo qodobadii hore loogu heshiiyay oo oo ka mid yahay maamulka hawada, waxaanu yidhi “Shirkii u dambeeyay ee Jabuuti ka dhacay ee labada Madaxweyne ay ku kulmeen, qodobadii ka soo baxay ee labada Madaxweyne saxeexeen waxa ka mid ahaa in la fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo ay ka mid tahay arrimihii ku lugta lahaa hawada, waxa nala socda Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland, xagoodana (Somaaliya) waxa la socda Wasiirkii hore ee duulista, markaa waxaanu filaynaa inay ka wadahadli doonaan arrimahaasi ku lugta leh hawada. Sidii aanu hore u qornay ee labada Madaxweyne ay u saxeexeena waxa lagu heshiiyay in la fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo hawadu ay ka mid tahay waanay ka wadahadli doonaan.”

Sidoo Wasiirka arrimaha dibadu waxa u sheegay in aan la xidhin xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, balse loo hakiyay arrimo ku saabsan dhinaca nabadgelyada, waxaanu yidhi “Xuduuda inoo dhaxaysa Jabuuti oo xidhani ma jirto waxa jirta baadhis iyo kaantarool, waad la socotaa oo qaraxyo waaweynbaa ka dhacay Muqdisho oo dhibaatooyin horena Jabuuti bay ka dhaceen , waxaanu iska kaashanaa anaga iyo dadka xuduuduhu ay noo dhexeeyaan in aanu xaga nabadgelyada ka wada shaqayno, nabadgelyadu anaga waa noo muhiim, Itoobiya waa u muhiim Jabuutina waa u muhiim. Xuduudahaasi waxa baadhista loogu sameeyay in la hubiyo in aan qaraxyo iyo dhibaato ka dhicin waanan la wada soconaa hay’adaheena nabadgelyada qaabilsan iyo dawladaha jaarkuna arrimahaasi way iska ogyihiin, markaa xuduud xidhani ma jirtee arrimo nabadgelyo ayaa loo hakiya.”

Waftigan oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxa Wahelinay Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan ka socday Golaha Guurtida.

Dhinaca kale warar naga soo gaadhay dhinaca Muqdisho ayaa sheegay, in xubnaha halkaa ka tegaya ay sadex ka mid ahi dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland, kuwaasoo sadex wasiir oo qabiilo ahaan ka soo kala jeeda Isaaq, Dhulbahante iyo Gedabuursi. Xukuumadda Muqdisho ayaa u muuqata mid aan muraad badan ka lahayn wada hadalkaa, doonayna sii socodkiisa, isla markaana ay taa awgeed u qaadeen talaabadan ay xubnaha badan ee reer woqooyiga ah ugu xuleen wada hadalka. Hase yeeshee xukuumadda Somaliland oo siyaasad ahaan loo tirinayo soof daran habow badan, ayaa iyadu haari ku ah oo dhibsata raagistooda. Waxay sheegeen Turkigu in aanuu dhex u muuqan, haddana waxay sheegeen inay tegayaan, Wayna tageen.

source:ogaalnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here