Turkiga Oo Baahiyey Muuqaalka Maskaxdii Qorsheysay Afgembigii Fashilmay Oo Laba Dible U Katiinadaysan

0
48

“Sawirrada Sarkaalkan oo Ahaan Jiray  Taliyihii hore ee Ciidammada Cirka Turkiga Ayaa Ay Dhaawacyo Ka Muuqdaan Dhegtiisa Iyo Qaarka Sare ee Jidhkiisa”General-Akin-Ozturk (1)

Ankara (Hubaal):- Taliyihii hore ee Ciidammada Cirka Turkiga, ayaa qirtay inuu qorsheeyay Afgambigii Millateriga ee Jimcihii ay isku-dayeen Kooxo Millateriga ka tirsan, kaasoo aan guulaysan ee fashilmay. Wakaaladda Wararka ee dowladda Turkiga ee Anadolu, ayaa sheegtay in Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka Turkiga Jeneral Akin Ozturk,  inuu u sheegay baadhayaasha inuu doonayay inuu dowladda afgambiyo. Sawirro Jeneraalka ee ay soo daysey Anadolu, ayaa u muuqda inay ku yaallaaan dhawr dhaawac Madaxiisa iyo qaarka hore ee Jidhkiisa. Telefeshinka Qaranka ee Turkiga, ayaa sidoo kale Baahiyey Muuqaallada Taliyahaas iyo Saraakiil kale oo Inqilaabkaas fashilmay qayb ka ahaa, kuwaasoo si laba-dible ah u Katiinadaysnaa, isla markaana qaarkood ay Nabarro ka muuqdeen wejiyada iyo gacmaha, kuwaasoo ay Ciidammada Ammaanka ee Turkigu si weyn u ilaalinayeen, Xabsina lagu guray. Jeneraalka ayaa horraantii inkiray inuu ku lug lahaa afgambiga la isku dayay ee fashilmay, isagoo sheegay inuu ka shaqeeyay inuu joojiyo. Anadolu ayaa horraantii sheegtay inuu ka mid yahay Ciidammo Jeneraallo ah oo la xidhay oo dhan illaa 11 Sarkaal ama Janaraal oo Ciidammada kuwo hadda xilal ka haya iyo kuwo hore xilal uga soo qabtay isugu jira. Illaaa toddobo Kun oo Qof oo u badan Ciidammo, ayaa loo xidhay iskudayga inqilaabka fashilmay inay ku lug lahaayeen iyo kuwo si toos ah uga qaybtay. In ka badan Siddeed Kun oo Booliis, ayaa shaqada laga joojiyay, iyadoo laga qaaday Hubka. Fasaxii ay qaadan lahaayeen saddex Milyan oo Shaqaalaha dowladda Turkiga ah, ayaa la joojiyay, inqilaabkaas fashilmay awgii. Illaa 2745 (laba kun toddoba boqol iyo shan iyo afartan) Garsoorayaasha Maxkamadaha dalka Turkiga ka tirsan, ayaa dowladdu shaqada si rasmi ah uga joojisay Sabtidii toddobaadkan, kuwaasoo tuhunka inqilaabka fashilmay lala xidhiidhiyey inay xubnaha taageeraya qayb ka ahaayeen. Sidoo kale Shaqaalaha Hay’adda Nile Academy ee ka hawlgali jiray Soomaaliya oo gacanta ku haysay Dugsiyo Waxbarasho iyo Cusbitaallo Caafimaad, ayey Xukuumadda Soomaaliya shaqada ka joojisay, ka dib markii ay isla sabtidii toddobaadkan dowladda Turkigu ka soo dalbatay in shaqada laga joojiyo, kuwaasoo loo muddeeyey inay Muqdisho ka baxaan Axaddii toddobaadkan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here