Turxaan Bixintii KULMIYE Oo Afka-baarkiisa Noqotay Iyo Isbahaysigii La Muquuniyey Oo Mustaqbalkooda Ka Werwersan

0
27

“Waxa aan halkan baaq uga dirayaa bah-weynta KULMIYE, siiba saaxiibadaydii cadhada kooban Nagaga maqan Waxaan leeyahay  Xisbiga KULMIYE waa Xisbigiinii

Hargeysa (Hubaal)- 13  Maalmood ayaa laga joogaa markii la soo gabo-gabeeyay shirkii Golaha dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE ee la soo gabo-gabeeyay 11-kii Bishan November, shirkaasi oo loogu doortay Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka u metali doona doorashadda lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto Bisha March 2017. Shirkaasi inkasta oo uu khilaafyo wejiyo kala duwan leh soo maray haddana waxa Murrashaxa madaxweynenimo ee xisbiga loo doortay Guddoomiye Md. Muuse Biixi Cabdi, halka Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenkana loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

shirka-xidhan-kulmi

Xubnihii Shirkii 5-aad ee Golaha Dhexe Aan ka Qeyb-gelin

Waxa ugu weynaa xubnihii aan fooda gelin shirweynihii shanaad laba xubnood oo ka mid ah Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Maxamed Yuusuf Waabeeyo iyo Guddoomiye Ku-xigeenka  saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle. waxa iyaguna ugu muhiimsanaa labadda Guddoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed. Waxa kale oo iyaguna qaadacay afar murrashax oo kala ahaa Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, Cabdicasiis Maxamed Samaalle iyo Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle). iyaguna waxaan midina soo gelin tobaneeye  ka mid ah Wasiirradii iyo masuuliyiintii is casilay.

DSC_0034

Maxaa Qabsoomay shirkii ka dib

 Inkasta oo Guddoomiyaha iyo Murrashaxa madaxweynaha xisbul xaakimka KULMIYE dhawr jeer fagaareyaal ka sheegay in hawsha ugu horeysa ee uu qabanayaa ay tahay sidii uu xubnihii xisbiga ka maqnaa uu uga shaqeyn lahaa inuu heshiis la gaadho. haddana illaa imika ma jiro wax dedaalo ah oo  ka socda KULMIYE oo dib loogu dhayayo xanaftii ka dhalatay shirkii Golaha dhexe. waxaana gabi ahaanba yar fursadda wada hadal lagu dhameyn karo in xubnaha xisbiga wali dibada ka joogaa ay dib ula midoobaan xisbigoodii. Hadalladii Guddoomiyaha KULMIYE ku balan-qaadayay inuu juhdi gelinayo dib ula heshiiyo xubnaha culus ee xisbiga ka maqan, ayaa noqday qaar shir kaga kac ah. “Waxa aan halkan baaq uga dirayaa mujtamaca Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bah-weynta KULMIYE, siiba saaxiibadaydii cadhada kooban nooga maqnaa maalmahan dambe. Waxa aan leeyahay wada-jirka iyo is-kaashiga ayaa horseedi kara horumar Xisbi.Xisbiga KULMIYE waa Xisbigiinii, waa Xisbi qaran oo xoog badan, oo dhismay oo ku taabo galay tacab kiinii, Khilaafku waa sunaha siyaasada waxaanu la socdaa nolosha aadamaha guushu se waxay ku jirtaa xalinta khilaafka sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa in aynu isu nimaadno ka wada hadalo wixii jira kana heshiino, ku soo dhawaada Xisbigiinii oo idin jecel,”ayaa ka mid ahaa balan-qaadyadii Murrashax Muuse Biixi. Sidoo kale Xubnaha la baxay isbahaysiga dimuqraadiga ah ee KULMIYE, ayaa iyaguna maalmihii ugu dambeeyay  xarakaadkoodu yaraaday, waxase la sheegay inay wadaan wada tashiyo ay kaga arrinsanayaan tallaabada ay kaga taageeradooda ugala guurayaan xisbiga KULMIYE oo sida la sheegay ay adag tahay sida ay dib miis ugula soo fadhiistaan garabka Muuse Biixi Hoggaaminayo.

Xigasho: Gudgude Media

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here