“Adaa beera jacaylka, hadana baabi’inaaya’e……,waxaad la bugteed, la bogsan weydey bushaaradaada bannaanka u soo saar” Ayaa laga hayay fannaanadii Maryan Mursal
waa siyaasada axmed siilaanyo ee ma gudubtada ah anigu waxaan xusuustaa anigoo yar oo maraya suuqa Hargeysa ayaa waxaan la kulmay tuug la eryanayo oo qabta qabta la leeyahay isla markaana tuuga laftiisi ku dhawaaqayo qabta qabta.
in yar ka dibna tuugii iyo dadkiiba mar qudha ayey is wada taageen dadkii oo yaabsan oo garan la cidii ay daba ordayeen ayuu nin dukaan hor fadhiyey intuu soo kacay ku yidhi dadkii
“ninkii aad daba ordeyseen waakan idinku dhex jera, halkiina waxa lagu qabtay tuugii.
sheekadani waxay I hor timi oo aan dib u xusuustay habeen dhaweyd oo aan yara daawaday tv-ga Axmed Siilaanyo, waxaana laga hadlayey qabyaalada oo weliba lagu eedeynayo cidaan dheguhu uuga baran.
hadaba aynu is weydiino yaa inagu soo celiyey qabyaalada bal dib u yara noqo oo si fiican oo aanay caadifadi ku jirin u qiimee xiligii uu dalka ka talinayey Daahir Riyaale dadku waxay isku odhan jireen kuna kaftimi jireen xisbiyadii ay kala raacsanaayeen hebel waa Udub, heblaayo waa Kulmiye.
waxaynu markhaati kawada nahay Axmed Siilaanyo oo gudoomiye ka ah xisbiga iyo Saleebaan Gaal oo ah gudoomiyaha golaha guurtida inay Hargeysa maalin ka wada baxeen, iyagoo ka qayb galay shir beeleedkii ku qabsoomay tuulada Gar-adag, ka dibna markii shirku dhamaaday waxay toos u galeen ololihii doorashada iyagoo beelaha Somaliland uugu tegey beelnimo, codkana ku weydiisanayey beelnimo, taasina waxay mar qudha meesha ka saartay wixii lagu soo tabcay oo ahayd in laga baxo qabyaalada loona wareego nidaamka asxaabta.
ilaa maantana waa sidii oo kasii xoog badan waxa wada ogtihiin markii uu Axmed siilaanyo xilka la wareegey wuxuu magacaabay afar wasiir oo ay isku hayb yihiin.
ilaa maantana midna xilka kamuu qaadin meel kalena uuma bedelin, halkuu wasiirada kale qaarna xilka ka qaaday qaarna ka bedeley.
waxaynu ognahay ama qandaraas hala bixiyo ama goob lacagi ka soo baxayso ha noqoto, cida gacanta ku haysaa waa beesha Axmed siilaanyo ka soo jeedo.
wixii intaas dheeri waa cid iyaga u shaqaysa oo ay ku dhuumanayaan haddaan sii wado ka bixi maayo oo buugaag ayey u baahan tahay in lagu qoro wuxuu in geyeysiiyey markaa, saaxiibayaal waxa qudha ee aad ku seexataan ha noqoto sida iskaga ka xayn la haydeen Axmed siilaanyo iyo wixii hoos jooga
Qalinkii: Mujaaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraare)