“Tv-Yadii Waxannu U Nacnay Oday Badhaacinaya Iyo Nin Iska Hadlaya Oo Maba Daawano, Walaahi In Aannaan Ogeyn Inay Mudaharaad Ku Baaqeen Iyo Inkale Midna”

0
14

“Kuwa Aannu Hoggaanka Dalka U Dhiibaynay, Labaduba Waxay Ka Hadleen Danahooda, Wax Danta Shacabka Ka Hadlay Weli Ma Hayno Xukuumad Iyo Mucaaridba.” Dareenka mid ka mid ah Bulshada Hargeysa ku dhaqan

Hargeysa (Hubaal) Bulshada ku dhaqan magaalada hargeysa oo aragtidooda ka dhiibanay hadallada kasoo yeedhay xisbiyada mucaaridka ee ku aaddan bannaan-bax laysugu soo baxo dhammaan dalka, ayaa badiba bulshadu waxa ay wax aad loola yaabo ku tilmaameen dhawaaqaasi mucaaridka kasoo yeedhay. Qaar ka mid dadweynaha ayaa sheegay inay dhibsadeen oo ay naceen tv-yada maxaliga ah ee inta badan soo gudbiya dhawaaqyada dhiilada ah ee kasoo yeedha mucaaridka, halka qaar ay walaac xoogan ka muujiyeen masuuliyiinta dalka ee doonaya inay dalkan hoggaamiyaan, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo keliya ka hadla danahooda oo aan haba yaraatee soo hadal qaadin danta shacaku qabo, hadday tahay xukuumad iyo mucaaridba.

“lama kala laha dalka ee waa lawada leeyahay. Tv-yadii waxannu u nacnay oday badhaacinaaya iyo nin iska hadlaaya oo maba daawanaba. Walaahi baanaan ogeyn inay mudaharaad ku baaqeen iyo inaanay ku baaqin midna. Kuwii aannu hoggaanka dalka u dhiibaynay, labaduba waxay ka hadleen danahooda, wax danta shacabka ka hadlay weli ma hayno xukuumad iyo mucaaridba. Sidaa waxa yidhi qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada hargeysa oo ka dareen celinayey dibedbaxyada mucaaridku ku baaqay, kuwaas oo telefishenka Hctv la  dhexqaaday mikrafoonka maanta.

Mucaaridka Somaliland ayaa maanta soo saaray baaq ay ku iclaaminayaan bannaan-baxyo ballaadhan oo ay sheegeen in dhammaan guud ahaan dalka ay qaban doonaan.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa, xili dalka ay ka jirto xaalad nololeed oo adag oo ay qaabilayaan shacabka reer Somaliland, kuwaasi oo la daalaadhacaya sicir-bar maciishadeed iyo xaalad abaareed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here