W/Q: Mowliid Aadan Cumar
Marka hore waxaan afarley kooban oo sagootis ah u gudbinayaa Raxanta Wasiirrada ah ee Xirsi rakaabiyey waana sidan:-
Rugta iyo reenku
Ma raxan Libaaxyoo
Rati baadi helaybaa.
Ma Reer Galab guurayoo
Muurarkii wax riiqdiyo
Ka dhaliiliyey Rarkiibaa
Ma Raac-reeb dagaaloo
Miino loo rakibaybaa.
Ma Rag Qaran hoggaanshoo
Khiyaamo isu raacaa
Xirsiyow ma Runbaa
Ma Rafbaa Rafadkaa Cadligu.
Intaa haddaan ku soo koobo afarlaydaa sagootiska ah, waxaan leeyahay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi-gabyaaye iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Sheekh C/casiis Samaale (Sheekh Haakah) malaha ka caban maysaan Madaxwayne Siilaanyo oo aad kala ahaydeen labadiisa Gacmood, Xirsi oo Midig ah iyo Cabdicasiis oo bidix ah, sidoo kale Shacabka Somaliland maaha Shacab dhoohan oo way ka war qabaan inaad ahaydeen laba (Gofane) oo dhulka ku dhacay markay ka dibireen dhaqaalihii Danyarta laga ururiyey. Haddaba anigoon Qallinka u qaadan inaan idinka xisaabiyo ama aan Hanti-dhowr idinku noqdo, waxaan talo idiinka dhigi lahaa u taga (Sheekh Berberaawi) ha idin siiyo dersi Caddaalad-derada iyo cabashadiina khuseeya’e.
Wa billaahi Towfiiq
W/Q: Mowliid Aadan Cumar