“UAE Waa Inay Ka Waantowdaa Heshiis Gacan-Ku-Rimis Ah ay Hadba Huteelada Imaaraadka Dad Shakhsiyaad Ahi Kula soo Saxeexanayso, Heshiis Mar Walba Qabyo Qoraal Ah, Hadduu Xalaal Yahay Maxaa Isagii Oo Dhamaystiran Dadka Loo Tusi Waayay.”

0
37

HUBAAL KA DHAGEYSO: Dawlada Somalia Oo Xaaraan Ku Tilmaantay Heshiiska Saldhiga Milatari Ee Ay Somaliland Ka Kiraysay Imaaraadka Carabta

HANTIDHAWRAHA SOOMAALIYA

Hargeysa (Hubaal) Hanti dhawraha guud ee dawladda Federalka soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiskii ay meel mariyeen labada gole ee baarlamaanka Somaliland ee ku saabsanaa heshiiskii Imaaraadka Carabta lagu siiyay inuu saldhig milatari ka samaysto garoonka diyaaradaha ee magaaladda Berbera.

Dr. Nuur oo warbaahinta kula hadlaya maanta magaaladda Muqdisho ayaa sheegay inaan sifo sharci ah loo marin heshiiskaasi, isla markaana uu kohor imanayo qaanuunka caalamiga ah.

“habka dhaqan dhaqaale ma waafaqsana, waxaanse u  waafaqsanayn oo uu musuq u yahay heshiiskani, heshiiskan looma baratamin, wax allaale iyo wax uu heshiiskani ku qotomaa sharci maaha, transparent maaha, cid lagala xisaabtamaana ma jirto.” Sidaasi ayuu yidhi hanti dhawraha dawladda federaalka Soomaaliya. Waxaanu eedo u jeediyay dawladda Imaaraadka carabta oo ku eedeeyay inay kusoo xadgudubtay, isla markaasina soo farogalisay hantida ma guurtada ah ee ummadda Soomaaliyeed.

“waxaan u jeedinyaa dawladda Imaaraadka inay ka waantowdo kala qoqobka iyo kala qaybinta iyo xasarad oogista ay ku wado geyiga Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan Berbera. Waa markii labaad oo heshiis gacan-ku-rimis ah oo huteelada Imaaraadka dad shakhsiyaad ahi ama Federaalka Soomaaliya kamid ah ama dawladda Somaliland kamid ah ay hadba lasoo saxeexanayso heshiis mar walba qabyo qoraal ah, heshiisku hadduu xalaal yahay maxaa isagii oo dhamaystiran dadka loo tusi waayay.”

Haddaba halkan ka dhageyso codka, warka Hantidhawraha Soomaaliya

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here