Akhri Nuxurka Heshiis Shan qodob ka kooban oo xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xisbiga UCID isula qaateen In Doorashada Wakiillada Iyo Ta Deegaanku Aanay Dib Uga Dhicin bisha November ee sanadkan 2019-Ka
Hargeysa (Hubaal) labada xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE ayaa heshiis ka gaadhay qabsoomida doorashada isu sidkan ee wakiillada iyo goleyaasha deegaanka. Xisbisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye iyo Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa War-saxaafadeed wada-jir ah oo ay jimcihii shalay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen in doorashada golayaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoomaan 11-aad ee sannadkan 2019-ka, iyada oo uu ka maqan yahay Xisbiga mucaaradka ee Waddani.
Qoraalka heshiiska ah ee UCID iyo KULMIYE oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay HUBAAL ayaa waxa uu u dhignaa sidan;
Ujeedo: heshiiska xisbiyada UCID iyo KULMIYE ee qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo
“annagoo tixraacayna qodobada ka soo baxay heshiiskii is af-garadka ahaa ee xisbiyada Waddani, Ucid iyo Kulmiye ku dhexmaray qasriga madaxtooyada Somaliland, kuna taariikhaysnaa 16-12-2018 ee xisbiyada qaranka Somaliland ay sida wadajirka ugu go’aamiyeen, in doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ay qabsoomaan dhammaadka sanadka 2019-ka.
Sidoo kalena tixgalinayna muhiimada ay qaran ahaan inoo leedahay qabsoomida doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka iyo dhibaatada ka dhalan karta dib-u-dhac dambe oo ku yimaada doorashooyinkaas, ixtiraamaynana fariinta qaran ahaan innooga timid beesha caalamka, taas oo ahayd inaynu dhammaadkan sanadka 2019-ka qabsoonto doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.
Haddaba iyada oo xisbiyada UCID iyo KULMIYE ay mar walba danta qaranka ka hor marinayaan danahood siyaasiga ah ee gaarka u ah, waxay isku af-garteen qodobadan;
- xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku af-garteen in doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ay qabsoonto bisha November ee sanadkan 2019-ka
- xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku af-garteen in komiishanka doorashooyinka ee hadda jira uu qabto doorashooyinkaas, maadaama aanay jirin sababo sharci ah oo look ala diro
- xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku waafaqeen, in wax ka badal lagu sameeyo Xeer lr 20 qodobkiisa 11aad, farqadiisa koowaad, komiishanka doorashooyinka cusubna laga dhigo sagaal xubnood.
- xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku af-garteen in aanay aqbalin dib-u-dhac dambe oo ku yimaada doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, sidaas daraadeedna aanay doorashooyinku u hakan doonin, haddii xisbiga WADDANI uu ku adkaysto go’aankiisa uu ku qaadacay komishanka, waxaanay labada xisbi ay diyaar u yihiin inay galaan doorasho laba xisbi ah sanadka 2019-ka.
- xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isku waafaqeen inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta sharafta iyo sumcada ay Somaliland ku kasbatay doorashooyinka dimuqraadiga ah, sidoo kalena aanay marnaba aqbalin dib-u-dhac dambe oo ku yimaada doorashooyinka.
Ugu dambayn, xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay u soo jeedinayaan golaha guurtida jamhuuriyadda Somaliland, in ay tixgaliyaan heshiiskan, isla markaana ay muddo-kordhinta farsamo ee ay sameynayaan ku saleeyaan heshiiskan