Xisbiga UCID Oo Muddeeyay Qabashada Shirka Golaha Dhexe
Hargeysa (Hubaal) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Warqad furan toos ugu diray Madaxweynaha Somaliland, waxaanu u soo jeediyey inuu kala diro Goleyaasha Deegaannada Dalka. Warqaddan furan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn waxa loogu dhaliilay Shaqada Goleyaasha deegaanka, waxaana lagu sheegay in aanay waajibkoodii uga soo bixin sidii la rabay. UCID waxa kale oo uu Warqadda furan ee uu u diray Madaxweynaha ku sheegay in sababaha ay Marmarka qaarkood u garab istaagaan Xukuumaddiisu in aanay ahayn inay ku qanacsan yihiin siday wax u socdaan.
Geesta kale, Xisbiga UCID ayaa 28-ka bisha August u muddeeyay qabashada Shirka Golaha dhexe, taariikhdaasi oo ku beegan 18 Guurada ka soo wareegtay Aasaaskii xisbiga UCID. Sidaa waxa xisbigu sheegay maanta, ka dib Shir ay ku yeesheen xaruntooda dhexe ee Hargeysa. Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga UCID ayaa noqonaya kii 7-aad ee Xisbigaasi qabsado.