UCID & WADANI, Agenda Aan dhaliil iyo dhaleeco ahayn la iman kari waaye- Qalinkii: Aaden Deeq

0
29

Asxaabta mucaaridka marka aad eegto siyaasadoodu xaqiiqatan lama yaqaan dhan aay u socdaan,lama yaqaan qorshohooda iyo waxa uga meel yaala asxaab ahaan ee aay ku rabaan hanashada hogaanka Somaliland.

mucaaradka.jpgUmada wax aay usoo bandhigeen ma jiraan aan ka ahayn ineey intaa habeen iyo maalin dhaleecayn uun wadaan halkii aay ka ahayd in umada iyo bulshada aan ka midka ahay ee jecel in isbedel siyasadeed helaan in UCID &WADANI midina aayney sameeyn haba yaraatee daraasad tusaaya umada guulaha xukumada iyo dhaliilaheeda oo ah meelaha aay ka liidato, halkaas oo aay iyaguna umada ugu bandhigi lahayeen sidii aay wax uga qaban lahayeen.

Lakiin waxaad mooda labada xisbi mucaarad in lagu yidhi wanaaga amaba waxii horumar ah ee aay ku guuleysatay xukumadani burush la daba taagnaada oo dhaleeceeya uun sidasaa wax ku heleysaane. Siyaasadu ma aha noocaas ee waxa weeye inaad ogolaataa guulaha xisbiga hogaanka haya oo waxii ka qaloocan aad farta ku fiiqdaa, waxaa halkaa ka dhashiina waa laba mid in marka koowaad isku deyaan xisbul xaakimku inuu saxo khaladaad kaas si aanay uga lumin kalsoonida umadu ileeyn cod iyo taageerada umada ayaa rabaan qudhooduye, mida labaadna waa in umadu aragto muwadinimada asxaabta mucaaridka oo firkir caafimaad qaba u gudbinaya bulshadooda iyagoo u muujinaya siyaabaha wax uga qaban lahayeen dalka iyo qorsheynta maamul dejinta, wasaaradaha baylahdu ka muuqato.

Markaan aad udarsay siyaasada dalkeena ayaa waxaan arkay in siyaasadeenu ku saleeysantahay ” KU XUMEE ” waana qaabkii xisbiga Kulmiye ku hantay hogaanka oo halkii nidaam cusub oo fayoow kala iman lahaayeen Ucid & Wadani aay wadadii xumeyd uun qabsadeen.

Waxaan qabaa in aanay ahayn in laga faa’iidaysto shucuurta umada iyadoo qalad la fahansiinaaayo loogana dan leeyahay kaliyaata in xaalad abuuranto. Ninka hanashada hogaanka dalkan damacsan hadaanu nahay umada waxaanu ka rabnaa in uu xanaano badan U yeesho oo uu ilaaliyo xuquuqda iyo xaqa umada isagoo laga rabo inuu U diriro.

Markaan leeyahay inuu U diriro waxaan tusaale usoo qaadanayaa Gudoomiyaha Barlamanka ahna musharaxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro oo aan marnaba mooshin umada raashinka cashuurtiisa loogu jabiyo aan ka shaqayn, oo aan cadaalad xumida maxkamada ka jirta aan malina mooshin keeda soo bandhigin si dood iyo talo wadaag uga yeesho goolaha baarlamaanku, xataa muu garan Cabdiraxmaan Cirro inuu wax ka yidhaa arimaha bulshada oo camal la’aan ba’ani haysato isagoo mooshin dood iyo talo ah U bandhigi karaya baarlamaanka oo odhan kara marka aay U yartahay dhalinteenii ayaa wada camal la’ ee ajaanibkan, shaqooyinkii ka xanibey dhalinteenii aaynu sharci U dejino, muwadinku mudnaanta kowaad ku yeelanaayo halka, iyadoo aay helayaan muwadin aqoontii leh hayadaha caalamigii ka keensanayaan ajanabi.

Intaas oo tusaale ah midna muu yeelin, umada wax U dan ahna kamuu shaqayn Cabdiraxmaan Ciro hadana wakaa U taagan UNA sharaxan jagada madaxweynenimo isagoon lahayn haba yaraatee waxaynu ku doorano aan ka ahayn inuu muwadin yahay xaqna U leeyahay inuu is sharaxo. Maanta dalku xaalad adag ayuu ku suganyay xaaladaas oo ah in maanta aaynaan hayn cid aaynu ku bedelno xisbigan talada haya oo run ahaantii ku guul dareeystay maamul wanaag.

ADEN DEEQ

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here