Waa ehelkay iyo adeerkay rumaad, Ilaahay ha ku nooleeyo nabad. Marka laga yimaaddo hooyaday Hodan Cabdi Cilmi, Qof aan arko isaga ayaan u jecelahay. Wuu iga samaystay, wuxuu iigu jiraa kaalintii Marxuum Maxamuud Gahayr. Sida Soomaalida, ma jecli in aan qof ammaano marka uu xabaalaha galo annaga oo nool ayaan xus iyo maamuus dusha u saarayaa. Gabaygani waxa uu qiraal iyo milge u yahay adeerkay Khadar Maxamuud Jaamac (Khadar Beyle), maareeyaha Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways, xafiiskeeda Somaliland. Waxa aanan qof ahaan illaawin doorkii uu ka qaatay safarkii aan ku tegay dalka Baakistaan oo rabay in aan waxbarasho Culuumta Caafimaadka ah ka barto sannadkii 2007da, markii ay hirgeli weyday waxa uu yidhi “Adeer Shiinaha aanu kuu dirno”. Aniga oo culayska la diiddan ayaan idhi “adeer, Jaamacadda Hargeysa ayaan geli. Carruurta aanu walaalaha nahay oo agoon ah, da’ ahaanna yar ayaan ka war hayn doonaa”.
Ma illaawo doorka uu ugu jiro qoyska, qaranka iyo qof ahaanba kaalin-qaadkayga. Waa ragga inta badan dusha u ritay daabacaadda Diiwaanka Samo-talis: Sooyaalka Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf. Waa nin deeq iyo dayro leh. Waa nin wacadka ilaaliya, waa nin hadalkiisa rumeeya. Waa nin aqoonnin soo laabo iyo ballan-burin. Sannadkii 2014ka waxa uu dhammeeyay khilaaf noo dhexeeyay dugsiyo waxbarasho. Haddii ay diintu ina fartay in aynu xigaalka xidhiidhinno, waa shakhsi laf-dhabar u ah gudashada waajibaadka saaran.
Waa kuwan meerisyadii gabaygu:
Haddii aan adeer runa u qiro, wuu istaahilaye
Halkii aabbo Maxamuud Gahayr, awdday qaayaha’e
Akhyaar kale, ilaaq qaar wadaa, eegga duufsadaye
Adhaxdiyo jidhkaygaad u tahay, udub-dhexaadkiiye
Araggiyo naftaa kugu farxoo, uursamaan leda’e
Waxad tahay ugaas iyo halyey, aarka madaxdaaye
Adigaa Ilayskii cilmiga, noo iftiin shidaye
Ardaydaad xilqaaddaa dhawaan, loo abshirayaaye
“Ubax baad tay, aayaha barbaar, laga dhex eegtaaye
Awlaadso diintaa leh sharaf, Eebbehaan faraye”
Asluubta iyo waanadu naftay, olol ka biiyeene
Afar-midabale adigaan ahayn, aynabaad gacale
Adigaa axdiga dhawritaan, oofsha wacadkiiye
Adigaa agoontiyo u roon, uun-sabool-dhacaye
Ololaha markii loo kacaca, waad agaasimiye
Adigay astaamaha gobeed, yeeshay idilkoode
Islaamkaad tay geestii la dayo, ubaxa khayraade
Af-legaaddo adigaan i odhan, tay addimayaane
Intaad uunka nooshahay marnaba, kuma illaabeene
Ubadkiyo dhashaadana abaal, wuu anfacayaane
Aakhiro Raxmaankaa jannada, oodda kaa rogiye
Kuwa oonka diihalayiyo, aafo yaad marine
Wixii aad abqaashuu Ridwaan, kuugu odayayne
Udgoonii Rasuulkuna samaa, waw ergayn garabe
Inta xawdka aaddaad ahaan, ulasho rayrayne
Anigoo ujeeddooyin raba, ayni lagu doono
Eber iyo adaan goor i dirin, oohin-ciil keliye
Ufo iyo sidii roobka da’ay, waw abshirisaaye
Haddaan eersanlaa dumar runtii, way abhinayseene
Ereygaaga wuu ii rumayn, Eebbe dulucdiiye
Asaaggayna heegaan ka mari, aasha guulaha’e
Waan adkaysan gooraha ad-adag, aaminkaa xigiye
Ogsoonaanta dawgaad martaan, eeggadaa mariye
Anigoo itaal-daran markii, aaska lagu yaacay
Arxankiyo tudhaalkaad lahayd, ii iftiin hire’e
Af-legaaddo milaygaan saqdhexe, iinta tirinaayay
Adigaa sidii ila-biyeed, oon-qoraal tiraye
Oggolaan adaan ii fasixin, ehelo-shiidkiiye
“Yaanu oogsan nacabkiyo xubnii”, kaa aqbalay deexe
Nin kaloon asmici-laa ma jiro, eedihii jiraye
Maantana Imaam baan rabaa, aw masaajida’e
Eedaankaa dhaaxaan gadiid, oogay faralkiiye
Ebyay oo Taraawiixda guud, waan aloos-galaye
Iblays baa nin guurtiya ku yidhi, “caawa soo eriye”
Sidii baan afkaw buurayaa, aarso maan garane
Ibtilada waxaa dhigay tolkeen, oodda kaan xigine
“Hadduu aabbihii go’ay maxaa, keenay aradkeenna
Iimaanka samirkaa u roon, teer anaa haga’e”
Haddii aan aftahannimo cuskado, la ima eegteene
Ixtiraamka wuu iga mudnaa, aadmi lay diraye
Orta hadalka, anigaa Jimcaha, ereysan jeellaaye
Allaheenna mooyee cid kale, maw af-furilayne
Bal abaabul maantana adaan, kuu irkanaaye