Boorama (Hubaal) Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble oo ah Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon iyo afar Engineer ayaa shalay lagu soo dhaweeyey magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal.
Ugaas Cabdirashiid oo ka soo talaabay xuduudka Itoobiya ayaa laga galbiyey magaladda Gorayacawl, halkaas oo Madax dhaqameedka Gobolka iyo Dadweyne farabadani kaga hor yimaadeen iyagoo u galbiyey dhinaca Boorama.
Ugaas Cabdirashiid oo Hotelka Ray’s ee magaaladda Boorama kula hadlay dadweynaha Reer Boorama ayaa sheegay ujeedada socdaalkoodu inay la xidhiidho sidii uu uga shaqayn lahaa Horumarka Gobolka.
Ugaasku waxa uu sheegay Engineerada la socdaa inay u gudbi doonaan dhinaca Dekedda Lughaya halkaas oo ay ka bilaabi doonaan wax qabadkooda ugu horeeya.
Ugaas C/rashiid waxa uu sheegay Dhismaha Dekedda Lughaya inay wax ka tari doonto dhibaatada Tahriibka dhalinyarada Gobolka iyo dalka guud ahaan.