Ugaaska Guud Ee Beesha Sade (Marreexaan) Oo Farriin Waayeelnimo U Diray Dhinacyada Isku Haya Siyaasadda Somaliland

0
41

Hargeysa:(Hubaal)-Ugaaska Guud ee beesha sade(Marreexaan), ahna Afhayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood, Ugaas Maxamed-weli Sheekh Axmed Nuur, ayaa  ka hadlay xaaladda Somaliland haatan marayso, waxana uu farriimo  la xidhiidha adkaynta Nabadda iyo xasiloonida u diray Madaxweyne Siilaanyo iyo Shacabkaba.

Ugaaska oo isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyskaa Hubaal, ayaa ugu horrayn waxa uu Baaq Guud u diray Dadka Reer Somaliland siyaasi iyo rayidba, isagoo xasuusiyey muhiimadda ay leedahay Nabadda iyo maanta gacanta ku haystaan,“Reer Somaliland Madax iyo Minjo dhammaan waxan ugu baaqayaa inay meel iska dhigaan waxa iyaga ka dhexeeya ee Buuqa ah, isla-markaana ay ogaadaan nabadgelyada iyo wanaaga meesha ka jiraa ay yihiin wax umadda soomaalid ah oo dhammi maanta eeganayso oo wada leedahay, somaliland-na waa meesha lagula soo wada cararay ubadkii soomaaliyeed oo dhan, waxana aan ugu baaqayaa isu tanaasul, walaaltinimo iyo is afgarasho.” Ayuu yidhi Ugaas Maxamed-weli sheikh Axmed Nuur.

ugor

Ogaaska oo hadalkiisa sii wata, ayaa farriin gaar ah waxa uu u diray madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxana uu tilmaamay inuu u daymo yeesho in Wannaaga iyo deggenaanta Somaliland taallaa tahay wax Soomaali oo dhami wada eeganayso, isla-markaana u baahan in si gaar ah loo ilaaliyo, waxana uu yidhi,“Madaxweynaha waxan leeyahay madaxweynaha waxad masuulkii umadda, waxa lagaa rabaa dulqaad badan,dhegaysi badan, iyo Samir badan. Umad badan baanad masuul ka tahay, sidaan kugu aqaanna waxad tahay nin aqoon leh oo wax badan soo maray, waayo aragnimada aad leedahayna waad ku fahmi kartaa in dheriga dabka saaran ee aad dul fadhidaa yahay soomaalid oo dhan baa dugsanaysa, waxana  kaa rajaynayaa inaad arrintaas tixgeliso oo aad sii wadato muhiimadd aad siinayso wanaagga, nabadda iyo xasiloonida dalkaaga ka jirta.”

Ugaaska oo Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada u diray Farriin waayeelnimo, ayaa waxa Hadalladiisii ka mid ahaa,

“Golayaasha Guurtida iyo wakiillada waxan leeyahay inay hoos u dhigaan rabitaankooda, una daneeyaan umadda oo ay joojiyaan xusul-duubka iyo isdabaqabsiga, waana in la eego danta guud oo danta gaarka ah meel la iska dhigaa.”

Shacabka Reer Somaliland, ayuu ugaasku ugu baaqay inay ku faro adaygaan Qiimaha ay leedahay nabadda ay Haystaan, waxana uu uga digay inay Hab qabyaaladeed ku kala raacaan Dhinacyada ku hirdamaya siyaasadda haatan taagan, “Shacabka waxan leeyahay dhulka aad joogtaan waa amni, dadkana waxad dheer tihiin waa wada jirka iyo isku duubnida aad muujiseen koonfurtana wax kale oo aan intaas ahayn oo aa dheer tihiin ma jirto, qabyaaladda iyo inaad kala raacdaan dhinacyada is haya waa inaad iska ilaalisaan oo aad dantiina eegtaan. Dhulkii somaliya la isku odhan jireyna meel la seexan karo  oo aan qori iyo Bambo la isla daba ordayn Somaliland baa jirta.” Ayuu yidhi Ugaasku.

Ugaas Maxamed-weli Sheekh Axmed Nuur oo ah Ugaaska Beesha Sade, ahna afhayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood, ayaa inta caan ku ah kaa Hadalka iyo dhiirrigelinta Degenaanshaha iyo nabadda ka jirta Deegaanada Soomaalidu degto, waxana ka taliyaa samato-bixinta iyo dirista farriimaha adkaynta nabadda la xidhiidha ee Umadda Soomaalida ah loo dirayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here