Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen labo qarax oo maanta ka dhacay magaalada.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in qaarxyadaasi loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Qiyaastii boqol qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa in uu dhaawac soo gaaray.
Qaraxa ugu horreeyay ayaa ka dhacay isgooyska Zoobe ee bartamaha magaalada oo ah isgooy aad u mashquul badan.
Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in uu indhahiisa ku arkay dhowr iyo toban qof oo dhaawac ah oo ay u suurtagashay in ay ka soo baxaan goobta uu qaraxa ka dhacay.
Weriyuhu waxaa uu intaasi ku daray in muddadii uu Muqdisho ka shaqeynayay ama ku noolaa uusan waligii arkin qarax la mid ah qaraxan.
Dhismaha hoteelka Safari ayaa lagu soo waramayaa in uu dumay, waxaana la sheegayaa in dad badan ay ku hoos jiraan burburka.
Sidoo kale wuxuu burbur soo gaaray xafiiska bisha Cas oo ku yaal meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.
Saraakiisha gurmadka ayaa isbitaalada u daabulaya dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, ilaa haddana lama oga tirada rasmiga ah ee dhimashada balse dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in dad badan ay dhinteen.
Sida uu sheegaya weriyaha BBC-da, xalaadda waxaa sii adkeeyay dab ka kacay kaalin shidaal oo u dhaweyd goobta uu qaraxa ka dhacay, kaa oo sababay inqiiq iyo uuro madow ay cirka isku shareeraan.
Qaraxa kaddib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas goos-goos ah oo muddo socotay.
Qaraxa labaad ayaa ka dhacay degmada Madiina, waxaana ku dhintay labo qof.
Ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysay qaraxyadani balse xarakada Al-Shabaab ayaa horaan dhowr qarax ka geysatay magaalada.
Xigasho: bbc