Ujeedada Axmed Siilaanyo Ka Lahaa Bur-Burinta Xisbigii UDUB Iyo Wax Ka Bedelka Xeer No.14- Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

0
23

Ujeedada uu Axmed Siilaayo ka lahaa bur burintii xisbigii UDUB iyo wax ka bedelkii xeer 14 oo ah xeerka ururada iyo xisbiyada qaranka ayaa ahayd mid u sahleysey talaabooyinka uu u adeeg sanayo kala dirista iyo isku dirista shacabiga reer Somali land, waxa kaloo iyadana ay u sahashey naca iyo qalbi jabka ku yimi himiladii iyo hiigsigii dadku u soo samray mudada dheer, hadaba arintan oo ka turjumeysa siyaasada liidata ee Axmed Siilaanyo uugu tala galay inuu ku lumiyo qaranimada JSL ayaa noqotey mid sii socon kari weydey oo halkaa maanta ay taagan tahay ka gudbi kari weydey, tusaale ahaan hadaan yara dulmaro khataraha laga badbaadey laakiin weli sii jira waxa mid ka ah;

Mujaahid Cali Xaraaromarka uu bur buriyey xisbigii uug faca weynaa Somali land ee UDUB inuu xubnaha uugu muhiimsan u yeedho ka dibna ku bedelo xubno mudo dheer ka tirsanaa xisbiga KULMIYE, tusaale gaaban waxa ka mida Cali waran cade, Cali Xoor xooR, Maxamed Muuse Diiriye, Maxamed Daahir oo imika ah wasiirka beeraha,Nuux Sheekh Cumar, Cali Biikalo. Waxaana meesha ka baxay oo lagu bedeley Maxamed Cabdi Gaboose, Maxamed Duur, Samaale Maxamed Xaashi Cilmi,maareeyihii hore ee dekeda Axmed Xamarje.Axmed cilmi yare isla markaana waxa la fogeeyey xubno ka mid ahaa tiirarka xisbiga Kulmiye sida Maxamed Iskeerse, Siciid Cilmi waxa intaas dheer kuwa Xamar looga yeedhey oo aan aamin sanaynba qaranimada Somali land oo hadana lagu bedeley xubno xisbiga Kulmiye lasoo rafaaday, waxa iyaduna dhacday xildhibaanadii ka tirsanaa xisbiga UDUB ayey intii badnayd ku biirtey xisbiga Kulmiye oo ahaa xisbiga ay sida adag u loolami jireen intaas waxa ka sii daran xubnaha ka soo jeeda xisbigii UDUB marka ay ku biirayaan xukuumada iyo xisbiga Kulmiye waxa lagu yidhaahdaa caaya oo si xun u caaya xisbigii UDUB ee ay xildhibaanada ku noqdeen waxay la mid tahay waxyaalaha ku dhaca ee lagu xidho qof muslin ahaa oo galay diinta maseexiga.

Hadaba akhreste aad u fahan ujeedada raqiiska ah ee Axmed siilaanyo isku yidhi dalka waad ku sii haysan kartaa waana siyaasada fashilantay ee uu ka lahaa oo ahayd inuu dadka nacsiiyo xisbiyada oo dhan waayo xataa xibigiisii markuu sidaa u galay ayuu qofku is weydiinayaa xisbigii kale ee uu tegi lahaa oo aaminkii qofka ayuu isku deyey inuu ka dilo umada hase yeeshee lawada arag maanta hadaba iyadoo waxaas iyo wax kasii daraniba ina soo mareen hadana maanta rejeda shacbigu meel fiican ayey maraysaa oo waxa u muuqda tegitaanka kuwii waxaas oo dhan soo mariyey gaajadii silicii kala qaybintii is nacii labadii saaxiibka ahaa hooyadii cashuurta laga qaaday ee hadana dahab shiil lagu shubtey hanti boobka dalka ka dhacay iyo dadka dadka ku dul nool waxaas oo dhan ayey u soo samreen dadkani waxaana ilaahay mahadiiya kol hadii dad weynihi aamineyn inay fartooda ku aar goosanayaan kuna eryeyaan kacaan beeleedka axmed siilaanyo hadaba waxa loo baahan yahay in xukuumada soo socota la xusuusiyo inay umada ka maydho dhibtii ka soo gaadhey xukuumada iyo kacaan beeleedka axmed siilaanyo hadii kale lagu eryi doono farta dad weynaha

W/Q: Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraaro)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here