Adhi-cadeeye (Hubaal)- Waxgaradka deegaanka Adhi Cadeeye ee gobolka Sool ayaa xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay aragtidooda ku dhereran xayntii wasiirrada ahaa ee toddobaadkii inna dhaafay istiqaallada dhiibay kuwaasi oo siyaabo kala duwan looga hadlay is casilaadooda. Waxgaradkan oo isugu jira xuqaal, madax dhaqameed iyo haldoor ka soo jeeda deegaanka Adhi Cadeeye ayaa shir ay shalay warbaahinta ugu qabteen magaalada Hargeysa waxaa ay sidoo kale kaga hadleen aragtidooda isku shaandhayntii madaxweynuhu ku sameeyey golihiisa xukuumadda iyo xubnihii cusbaa ee buuxiyey xilalkii ay baneeyeen wasiirradaasi. “Madaxweyne Siilaanyo isagoo aan madaxweyne ahayn markuu yimi Yagoori ilaa Laascanod baanu fardahayaga kusoo gelbinay hase yeeshee maanta isaga oo hoggaamiyihii dalka ah waxaa dhaxalkayagii noqday in nalaga saaro liiskii aanu dawlada ku lahayn saamigeeda, taasina runtii nama qabato waayo kursigii aanu ku fadhinay ee wasiir ku xigeenka waxaa la siiyey cid kale” sidaa waxaa yidhi Caaqil Faarax Cabdi Macalin oo kamid ahaa xubnaha shalay hadlay. Cumar Bakayle oo ka mid ah waxgaradka deegaanka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Markuu iscasilay Wasiir Xigeenkayagii Hore ee Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxman, waxaanu Madaxweynaha ka codsanay inuu booskaasi Noo bedelo Noogana Dhigo Wasiir Buuxo Anagoo Xilkaas usoo igmanay Nin Siyaasi Ah oo Buuxin Kara,Taasina waxay Dhashay In Wasiir Iska Daaye Nala Duudsiyay Xilkayagii Wasiir Xigeen. Haddaba Madaxweyne Deegaankayagu waa Sool Iyo Buuhoodle oo hawd iyo Nugaalba Leh, Dadka Halkaas Wada Degaana Waa Laba reer, Inay Iskaga Kaa Khaldamaana Maaha, Hadii aanaan Ka mid ahayn Ergooyinkii Nabadaynta ee Boorama iyo dhisitaankii Somaliland ee Burco, Waxaa Xeer Naloogu yeelanayaa Inaanu Banaanka Ka istaagno Wax kasta oo Saami qaybsi oo Yaalla Somaliland Balse Hadaanu ka Mid Ahayn Ergooyinkaas Meeshaasna aanu Joognay Madaxweyne Waxaanu kaaga Fadhinay Saamigayagii, Balse May Dhicin, Adigoo Og in Beeshan Dal Ahaan Iyo Dad Ahaan Halka ay Degto Waxay ku dhacday Inay Halkaas Ka Taagnaato Xukuumadaada “ Ayuu Yidhi.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Ujeedada Baaq Ay Waxgaradka Adhi-Cadeeye U Soo Direen Xukuumadda Somaliland