Hargeysa(Hubaal) – Marwada Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay qabatay munaasibad ay ku kulmeen Ganacsato, Siyaasiyiin, Xukuumadda, Shirkadaha, Xawaaladaha iyo guud ahaanba Maalqabeenada dalka.Munaasibaddaasi ayaa In ka yar saacad badhkeed waxa goobtaasi lagaga dhawaaqay qadar lacag ah oo dhan $282,000 oo dollar ka Maraykanka ah.
Hadaba xafladan oo ahayd mid ay soo agaasintay kuna casuuntay guud ahaan dadkaasi aan xaga sare ku xusay, marwada koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa ahayd mid ay ugu talo gashay in qaadhaan loogu ururiyo Dhakhtarka Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh Childern’s oo ah dhakhtarka Caruurta gaar ahaana xoogga saara caruurta Wadnuhu daloolo, oo qaliinno loogu qaado dalka Talyaaniga si loogu soo daweeyo.
Waxaana xusid mudan sida sawirada ka muuqata in caruurtii qaliinnada lagu sameeyey ee ka badbaaday inay u geeriyoodan xanuunkaasi khatarta ah, ka mid ahaa Muhiim iyo Mahad oo ahaa laba caruura oo xalay ku sugnaa goobta, kuna ciyaarayey iyaga oo la caafimaada kuwa la da’a ah een lagu samayn qaliinka.
Iyada oo ay jiraan caruur kale oo hada yaala dhakhtarkaasi loona diyaarinaayo in la qaado laguna soo sameeyo qaliin ayaa waxay gudida cusbitalku dalbadeen in shacbiga Somaliland madax iyo mijaba ay ka taageeraan sidii caruurtaasi loo caawin lahaa ee ay u helilahaayeen caafimaad alle ayaa caafimaadka bixiyee, loona baahan yahay in lagu taageero caruurta inay helaan qalab dhamaystiran oo dalkooda hooyo loo keeno si ay kuwa markiiba u dhinta xanuunkani een gaadhin inta la sii sido looga hortago.
Waana sababta dhalisay inay Xafladani noqoto mid dareen gaara ku abuurta marwada iyo inta la aragtida ah ee damiirta waalidnimo shaqaynaayo, nasiib wanaagse waxa xalay mansoor hotel ka dhacday dhacdo cajiiba balse ay shacbiga Somaliland horeba ugu caan ahaayeen taasi oo ah deeqsinimo.
waxaanay isla goobtaasi ka balan qaadeen kuna dhawaaqeen shirkad, ganacsato, xawaalad, wixii ay awoodeen ee tabarucaad ah, iyada oo ay xusid mudan yihiin wasaaradaha dalka oo isku xukumay $3,000 midkiiba noqotayna 25 wasaaradood, halka Dawlada hoose ee Hargeysa, Dawlada Hoose ee Berbera, Dekeda Berbera, ay ku dhawaaqeen iyaga oo kuwa goboladu kaga qaybgalay xaflada Taleefanka gacanta, lacago u dhaxaysay 20,000 ilaa 10,000 oo dollar, halka shirkaduhuna ay isku xukumeen 100 ilaa 25,000 inta u dhaxaysa.
Waxa iyana xusid mudan dad aan intaa aan soo sheegay midna ka mid ahayn oo lacago aad u tiro badan ku deeqay balse aanan halkan ku soo koobi karayn oo ay hormuud ka tahay marwada madaxweynuhu.
Guud ahaana lacagta ay ku dhawaaqeen xalay dadkii halkaasi ku sugnaa ayaa Total keeda guud noqday 282,000 iyada oo weliba ay hadhsan yihiin dad badan iyo shirkado badan oo balan qaada.