Ujeedada Safar Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Shalay Ugu Baxeen Gobollada Bari

0
32

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Berbera Kaga Qaybgalaya Munaasibadaha Mashaariic La Hirgeliyay Iyo Kuwo Uu Dhagax Dhigi Doona, Dabadeed Burco U Baqooli Doona

????????????????????????????????????

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa safar galab caraw ah ugu baxay Gobolka Saaxil gaar ahaan Magaalo Madaxdiisa Berbera.

Weftiga madaxweynaha oo gelinkii dambe ee shalay Hargeysa ka ambobaxay ayaa gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliinta sarsare ee gobolkaasi, oo weftiga madaxweynaha usii gelbiyay dhinaca qasriga martida halkaasi oo xalay ay hoydeen.

Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo oo uu ugu kicitimay dhinaca gobolada Saaxil iyo Togdheer, waxaana maalmaha soo socda la filayaa in madaxweynuhu mashaariic horleh xadhiga ka jaro kuwo kalena dhagax-dhigo.

Afhayeenka madaxtooyada Xuseen Deyr oo ka warbixinayay safarka madaxweynaha ayaa yidhi; “Safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay safar indhoindhayn ah, socdaal kusoo marayo gobolladda Bariga oo uu ugu kuurgalyo xaalada guud. Madaxweynu Caawa {Xalay} haddii Alle yidhaa waxa uu ku sugnaan doonaa magaaladda Berbera. Madaxweyunu waxaa uu Bari oo Sabti ah (Maanta) mashaariic balaadhan oo Berbera laga hirgaliyay, ayuu maunaasibadahooda ka qaybgeli doonaa, intaas kadib madaxweynuhu wuxuu u kiciti doonaa gobolka Togdheer, gaar ahaan magaaladda Burco. Madaxweynuhu meelaha ugu waaweyn ee uu magaaladda Burco kamari doono waxaa ugu horeeyay, mashruuca sahaminta shidaalka oo uu madaxweynu u kuurgali doono. Madaxweynu socdaalkiisani waxaa uu ku eeg yahay oo keliya gobollada Saaxil iyo Togdheer.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here