Sababta Keentay Guddidan Madaxa Banaan Iyo Ajendaha 15 Xubnood Oo Loo Xulay Isu Soo Dhawaynta Labada dhinac
Hargeysa (Hubaal)- dhaq-dhaqaaqa Guddi dhex-dhexaadineed iskeed isu xil-qaantay oo ka ergayn doonta is mari waaga ka taagan khilaafka siyaasadeed ee dalku ku jiro ayaa shalay galab ilaa xalay cawayskii ka socday Magaalada Hargeysa. Ergadan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa Xogo Muhiim Ah oo uu Wargeyska HUBAAL xalay ka helay waxa ay weriyeen in ay isku xilqaameen waan waan laysugu soo dhawaynayo dhinacyada isku haya muddo kordhinta guurtida kadib markii ay cuntami weyday natiijo bulshadu isha ku haysay oo laga naawilayay inay ka soo baxaan wareegii labaad ee wada hadalladooda. Ma jiro war rasmi ah oo guddidani soo saartay haye yeeshee shirar doceedyo ilaa xalay uga socday mid ka mid ah Hoteellada magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay inay isugu yimaadeen xubno tiradoodu gaadhayso afartameeyo oo ka kooban ganacsayto, madax dhaqameed, siyaasiyiin iyo xubno kale oo miisaan ku leh buslhada dhexdeeda, kuwaas oo falanqayn dheer kadib isku raacay inay guddi shan iyo toban xubnood ah u xulaan inay ka ergayso labada dhinac ee mucaaridka iyo dhinaca Madaxtooyada. Gudigan ayaa waxay imanayaan kadib kulankii labaad ee ay yeesheen mucaaridka iyo xukuumaddu uu gebi ahaanba kusoo dhamaaday natiijo la’aan,inkasta oo ay jirto sida la sheegay ballan dambe oo ay isugu imanayaan dhinacyadu maalinta Salaasada ah ee todobaadkan aynu ku jirno fadhi kale oo ay kusii amba qaadayaan xal u helida khilaafka dhexdooda. Warar xogogaal ah oo ka dhaw guddigan isu saaray hawshan ayaa tibaaxaya in inta ka horeysa fadhiga maalinta isniinta ah ee labada dhinac ku kulmayaan ay qolo walba dhinacooda ula kulmi doonaan si ay kalsooni hawshan dhexdhexaadinta ah uga galaan, kadibna ay shaaciyaan natiijada uga soo baxday iyaga oo Mucaaridka iyo Muxaafidkaba ku qancin doonaan isu tanaasul.