Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Oo Laamaha Dawladda Ee Saaxil Iyo Awdal Ku wargeliyey u diyaar garawga Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha
Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Madaxda Hay’adda Shaqaalaha, ayaa Safaro shaqo oo ay ku tageen Goboladda Awdal iyo Saaxil, kulamo muhiima kula soo qaatay Madaxda Laamaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawliga ee labada gobol oo ay kulamo wada tashi iyo dardargelin ah ka yeesheen, Barnaamij lagu sugaayo tiradda iyo tayaradda shaqaalaha dawladda ee tiradda badan oo dhawaan hawshiisa la bilaabi doono.
Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isaga iyo wefti balaadhan oo Madaxda Hay’adda shaqaalaha dawladda ka socday ay hawlo shaqo ku tageen Magaalooyinka Berbera iyo Boorame ee Xarumaha labada gobol ee Saaxil iyo Awdal, ayaa kulamo ay Madaxda Wasaaraddaha kala duwan iyo Hay’addaha Dawliga ah kula yeesheen labada gobol, waxa uu Guddoomiye Sharmarke u bandhigay inay dhawaan bilaabayso Hay’adda uu madaxda ka yahay Barnaamijka tiro koobka iyo Tayeynta Shaqaalaha kala duwan ee dawlada loona baahan yahay inay madaxda wasaaraddaha iyo hay’addaha dawliga ahi kala hawlgalaan arintaaso oo si wada jira barnaamijkaasi qaranka u muhiimka looga wada hawlgalo.
Guddoomiye md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ugu horeyn qoraal ka warbixinaayey hawlaha shaqo ee uu Gobolka Awdal ku tegay waxa uu yidhi “Iyadoo Mudooynkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha dawladu ku hawlan tahay dardar galinta shaqada iyo waajibaadka hay’adda shaqaaluhu u igman tahay ayey madaxda hay’adda Shaqaaluhu kulan xoojin iyo xog-waran ah la qaateen madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah ee Gobolka Awdal, waxaa si wayn looga wada hadlay u diyaar garowga hawlo baaxad le oo dhawaan lagu suggi doonno tirada, tayyada iyo tababarka shaqaalaha dawlada ka hawl gala Gobolka”
Sharmarke oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa badhasaabka Gobolka Awdal iyo Xoghayaha Gobolka oo si wanaagsan u soo agaasimay kulankan, masuuliyiinta ayaa maalmahan u jihaysan doonna gobolada barriga hadii Alle idmo kadib markay soo dhameeyeen gobolada Saaxil iyo Awdal u shaqaynta Shacabka Sharfan waa Shuruuda Shaqaalaha”
Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye Sharmarke kulankan la mida isaga iyo Madaxda Hay’adda Shaqaaluhu la soo qaateen socdaal ay ugu tageen Madaxda Wasaaraddaha iyo Maamulka Gobolka Saaxil ee magaaladda Berbera waxaanu isaga oo kulamadda dardargelinta ee uu Saaxil Madaxda Dawladda kula yeeshay yidhi “Madaxda Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ayaa maanta kulan dardar gelin iyo diyaar garaw ah la qaatay isu-duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada ee Gobolka Saaxil, kulanka ayaa lagaga wada hadlay dardar galinta shaqada iyo adeega loo hayo shacabka iyo sidoo kale u diyaar garowga tirinta iyo tayyeynta shaqaalaha dawlada ee ku sugan guud ahaan gobolka Saaxil”
Md Sharmarke waxa uu inta ku daray “Kulankan oo sidoo kale uu kasoo qaybgalay badhasaabka Gobolka Saaxil ayaa la isla soo qaaday diyaarinta xarun ay yeelato hay’adda shaqaaluhu, u kuur galka shaqaalaha sida runta ah u shaqeeya iyo kuwa jiifka ku jaqa is le cashuurta hooyada laga qaado waa yoolka koobaad ee hay’adda Shaqaalahu beegsan doonto, Tartan furan iyo Shaqo tayyo le waa himilada hay’adda Shaqaalaha”