Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Ayaa shalay dalka ku soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo ka socda wadanka Shiinaha kuwaas oo ujeedada Socdaalkoodu tahay sidii ay u maal gashan lahaayeen dhulka Somaliland. Waftigan oo ka koobnaa ganacsato iyo mas’uul ka socda wasaarada ganacsiga qaybteeda maalgashi qaarada afrika, waxa hoggaaminayay Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Dalka China Qaybeetada Qaarada Afrika U Qaabilsan Mr Ling Dong. Ugu Horayn waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Warshadaha Mudane Shucayb Maxamed Muuse oo kalmada soo dhawayna kusoo dhaweeyay . “Waxaan indinku soo dhawayanyaa dalka somaliland Oo Aanay ahayn Markii Idinku Horaysay ee aad timaadeen anigoo ku hadlaya magaca xumkuumada somaliland iyo ka wasaaradan ahaanba waxan idinku soo dhawaynayaa gacmo furan waxaanan idiin balan qaadayaan in aan idiin fududayn doono wax kasta oo idinkaga xidhan Somaliland. Dalka somaliland waa dal u furfuran maalgashi waana dalka ku dadaalaya sidii ay u horumarin lahaayeen dhinacyada wax soo saarka iyo Isdhexgalga ganaciga xorta ah” ayuu yidhi wasiirku waxaa isna kalmado mahadnaqa yidhi Madaxa Waftigan MR Mr Ling Dong “Waxaan halkan uga mahad naqayaaa wasiirka Warashadaha iyo xukuumada somaliland waxaanu dalka unimid in aanu maal galin ku samayno dhawr warshadood oo hore aanu u qorshaynay iyadoo hada aanu bilaabi doono Warshada birta iyo xadiidka.”. Waftigan ayaa lafilayaan in safaro ugu baxaan gobolada somaliland sida saaxil iyo gabiley oo ka bilaabi doonaan shaqadooda. Xukumada somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa mudadii ay xilka haysay ku talaabsatay horumar lataaban karo oo ah dhinaca maalgashi iyo sidii ay dunida ugu qancin lahayd in dalka somaliland yahay dal nabdoon kuna dhaqma shuruucda caalamka una baahan in uu beesha caalamka la yeesho xidhiidh iskaashi oo ah dhinaca maalgashiga, Madaxwaynaha somaliland ayaa dhowr bilood ka hor umagacaabay wasiirka wasaarada warshadaha mudane shucayn maxamed muuse oo noqday wasiirka ugu da,yar golaha wasiirada Somaliland. Wasiir Shucayb maxamed muuse ayaa mudadii koobnayd ee uu joogay wasaarada warshadaha iyagoo kashanaya masuuliyiinta cusub ee lala soo magacaabay iyo shaqaalaha wasaarada wuxuu dardar galin ku sameeyay dhamaan qaybaha wasarada.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Ujeedada Socdaal Ay Wefti Shiine Ahi Somaliland Ku Yimaadeen Iyo Wasiir...