Ujeedada Uu Axmed Siilaanyo Ka Lahaa Bur Burintii Xeer No.14 Iyo Xibigii UDUB- Qaybtii labaad-W/Q: Mujaahid Cali xaraaro

0
42

xisbiga UDUB oo ahaa xisbigii uugu horeeyey ee lagaga dhawaaqo somali land ayaa lahayd ujeedo fara badan waxay dad badan oo wax garad u badani rumeysan yihiin inay ahayd ka aarsi siyaasadeed iyo in la tir tiro xusuusaha AHN marxuum maxamed xaaji ibraahim cigaal taasna waxa marag ma doon u ah waxaynu wada ogeyn inuu axmed siilaanyo ku dhawaaqay inuu siyaasada ka baxay xiligii uu noolaa AHN marxuum maxamed xaaji ibraahim waxay badani ka markhaati yihiin markii uu axmed siilaanyo mucaaridka ahaa haduu xaga berbera u kaco inuu ku beydhi jirey xabaasha AHN marxuum cigaal kana dul ooyi jirey maalintii uu kursiga fuuley iyo ilaa maantana dib uuma arag.

cali-xaraaroHadaba iyadoo wejiyo badan lahayd bur burintii xisbigii UDUB hadana waxa mid ahaa hadii uu sii jiri lahaa xisbigii UDUB uuma suurta gasheen Axmed Siilaanyo arimaha uu ku dhaqaaqay ee uu siduu doono ka yeeley; tusaale ahaan xildhibaanada golaha wakiilada ee ka soo jeedey xisbigii UDUB kumey biireen xisbiga Kulmiye waxa kaloo iyaduna meesha ku jirtey inay kala lumiyo labada beelood ee kala ah Subeer Awal iyo Makaahiil oo uugu fara badan gobolka Awdal taasoo uugu muuqatey Axmed Siilaanyo is bahaysi siyaadsadeed oo uu sameeyey AHN marxuum arinkaasina wuxuu soo baxay loolankii uu ku khaarajiyey Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ku xigeena kaga dhigtey Seylici waxaanu soo ban dhigey arintaas Axmed Siilaanyo shir ku dhex maray gurigiisii labada beelood ee kala ah Habar jeclo iyo Maxamed Case taariikhduna waxay ahayd 2009. 10. 27. taasoo ahayd mid uu kaga hor tegeyey is bahaysigii Subeer Awal iyo Makaahiil.

Waa sidii uu u dhigaye waxyaalaha ku kelifey Axmed Siilaanyo burburinta xisbigii UDUB waxa mid ah inuu baabiyo nidaamka xisbiyada oo dib loogu noqdo nidaamkii beelaha taasoo uu u arko inuu kusii haysan karo talada waayo xataa xisbigii uu ku soo baxay ee Kulmiye waa aragteen siduu u galay wuxuu debeda dhigey rag mudo dheer ku soo rafaaday xisbiga Kulmiye waxaanu ku soo bedeshey kuwo kale oo ka mid ahaa xisbigii UDUB taasi qof kaste waxay ku noqoneysaa u qaadasha markuu Cabdiraxman Cabdiqaadir debeda dhigey kunaa bedeshey Cali Waran cade, markuu Axmed Xamerje debeda dhigey kuna bedeshey Maxamed Muuse Diiriye, maxay u ekaanaysaa miyaanay ahayn dagaal cad oo ka soo hor jeedo aaminka xisbiyada.

Hadaba akhriste maanta dadka reer Somali land waxay maanta u baahan yihiin inay fartooda ku eryaan Axmed Siilaanyo iyo kacaan beeleed kiisa kuna doortaan fartooda cida ay doonayaan markaa waxa loo baahan yahay in la arko inay farta dad weynuhu tahay waxa uugu xooga badan qaranka Somali land

Cali Cismaan (cali Xaraaro)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here