Hargeysa (ramaas) Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Prof Aadan Xaaji cali ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay masuuliyiinta saddexda xisbiga qaran ee WADDANI,UCID,iyo KULMIYE iyo waliba gudida komishanka doorashooyinka Somaliland.
Waxaana kulankani oo ahaa mid ay albaabadu u xidhanaayeen ujeedadiisu daaranayn sidii uu gudoomiyaha maxkamadda sare wax uga wayn diin lahaa masuuliyiinta arimaha doorashooyinka iyo waliba go’aanka madaxwaynuhu ku kala qaaday labada doorasho ee golaha wakiilada Somaliland iyo madaxtooyada isla markaana golaha wakiiladu ansixiyeen.
Gudoomiyuhu ayaa la sheegay inuu mid mid masuuliyiintani u waydiiyay mawqifka ay ka taagan yihiin arinkani kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada .
Waxaana la filayaa in gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland maalinta bari ah ku dhawaaqo natiijada kasoo baxday kulamadani iyo waliba go’aanka maxkamadda sare ka qaadato arinkani kala qaadista labada doorasho ee is barkan ee loo balansanaa in ay dhacdo 2017-ka.