Reysal Wasaaraha Itoobiya Oo Khamiistii Hortegey Baarlamaanka Dalkiisa & Khudbad Uu Ka Jeediyey Oo Uu Kusoo Hadal Qaaday Jid Xidhiidhinaya Xukuumaddaha Addis Ababa Iyo Xamar
Ujeeddada Jid Xidhiidhinaya Xukuumaddaha Addis Ababa Iyo Xamar Oo La Hirgelinayo
Addis Ababa(Hubaal):- Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay tixgelin siinayaan sidii ay u ambaqaadi lahaayeen Mashaaric lagu soo celinayo kaabayaasha dhaqaalaha; sida Waddo isku xidhi doonta labada dal oo Laamay ah iyo Mashaariic kale.
Waxa uu Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya sidaa ku sheegay hadal uu ka jeedinayay kulan ay Khamiistii dorraad magaalada Addis Ababa ku yeesheen Baarlamanka dalkiisa oo uu hortegay, waxaanu intaas ku daray in xidhiidhka dhinacyada Siyaasadda iyo Millateriga ee u dhexeeya labada dal uu yahay mid wanaagsan, isagoo xusay in Itoobiya ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo si ay dib ugu soo celiso nabaddii iyo xasilloonidii Soomaaliya, sida uu Baarlamaanka Federaalka dalkiisa ka hor-sheegay Hailemariam Desalegn.
Ra’iisal-wasaare Hailemariam, ayaa sheegay in Madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay hore isula meel-dhigeen in la bilaabo Mashaariic lagu dhisayo Kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo uu xusay in ay bilaabi doonaan marka ay dhammaadaan doorashooyinka ka socda Soomaaliya wakhtigan.
Jidkaas ay qorsheeyeen inay wada hirgeliyaan labada dawladood oo uu isku xidho Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa sida ay faafisay Warbaahinta Luuqadda Ingiriisada wax ku qorta ee Alleastafrica.com, ujeeddada laga leeyahay waxay ku sheegtay mid looga faa’iidaysan doono Dekedaha dalka Soomaaliya sidii ay wax ugala soo degi lahayd, waxna uga dhoofsan lahayd dawladda Itoobiya, maaddaama oo aanu dalkeedu Deked lahayn ee ay inta badan wax kala soo degto Dekedaha waddamada Deriska la ah, sida; Jabuuti, Suudaanta Koonfureed, Somaliland iyo Sudan.
Waxa uu Raysal-wasaaruhu xusay in Ciidammada Itoobiya oo qeyb ka ah hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay dagaallo kula jiraan Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaallama, isla markaana ay Itoobiya kala shaqeeyneyso Ururrada IGAD, Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay; sidii ay u caawin lahaayeen dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya; si ay dalkaas uga dhacaan doorashooyin xor ah oo dimuquraaddi ah; sida qorshuhu yahay 2020-ka.
Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaageeyso, isagoo rejeeyay in dalkaasi noqon doono mid isku filnaasho gaadha mustaqbalka dhaw, sida uu hadalka u dhigay. Inkasta oo uu Raysal-wasaaraha Itoobiya sidaa ku dooday, haddana Ciidammada Millateriga Itoobiya ee sannadihii u dambeeyey ka hawlgalayey gobollada Koonfur-Galbeed iyo gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya, ayaa dhawrkii bilood ee u dambeeyey sannadkii dhammaaday waxay banneeyeen inta badan gobolladii iyo magaalooyinkii ay Kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen sannadkii 2015-kii iyo horraanta 2016-kii, kuwaasoo ay bilihii u dambeeyey 2016-ka si toos ah badi uga wada baxeen dagaal la’aan, isla markaana ay dhammaantood Al-Shabaab dagaal la’aan dib ugu qabsatay, iyada oo aan dawladda Itoobiya iyo Taliska AMISOM midkoodna wax faahfaahin ah ka bixin sababta Al-Shabaab Ciidanka Itoobiya ugu banneeyeen deegaannada tirada badan ee hore looga qabsaday.