Ujeeddada Socdaal Dhakhaatiir Xanaanada Xoolaha Sucuudiga Ka Socdaa Ku Imanayaan Berbera Iyo Boosaaso

0
33

Riyaad:(Hubaal)-Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa ku dhawaaqday in ay dirayso Soomaaliya Somaliland wafdi ka socda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dalkeeda, kuwaas oo tagaya Puntland & Somaliland, si ay u soo arkaan xaaladda Xoolaha  ee  labadaa deegaan ku nool.geel

Wasaaradda xanaanada xoolaha iyo deegaanka Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in dhaqaatiir Sacuudiyaan ah ay soo direyso, si ay u hubiyaan caafimaadka xoolaha Soomaaliyeed ee loo dhoofiyo Sacuudiga.

Dhakhaatiirta ayaa tagi doono magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso oo ay ku yaalaan maxjarada ugu badan ee laga dhoofiyo xoolaha loo iib geeyo dalka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa xoolo gaadhaya 10-kun oo neef ka iibsada caalamka, waxaana 5 kun oo kamid ah uu ka iibsadaa dalalka Somaliya iyo Somaliland.

Wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka warqabaan dhaqaatiirta ka imaanaya Sacuudiga, maadaama lagu soo wargeliyay, balse Somaliya, ayaan iyadu weli arrintan ka hadlin oo aan xaqiijinin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here