“ Ujeeddada Uu Wasiiru-Dawlaha Caafimaadku U Durayo Wasaaraddiisu Waxay Meel-Ka-Dhac Ku Tahay Dawladnimada Ee…”

0
70

Xil. Weli Axmed Xaawo Oo Si Adag U Duray Weedho Uu Wasiiru-dawlaha Caafimaadku Wax Kaga Sheegay Gurmadka Shuban-biyoodka

“ Ujeeddada Uu Wasiiru-Dawlaha Caafimaadku U Durayo Wasaaraddiisu Waxay Meel-Ka-Dhac Ku Tahay Dawladnimada Ee Waa In Wax Laga Qabto, Waayo Nin Hugiisa Caayay Lama Arag”

 Hargeysa (Hubaal) -“Waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa wasaaradda caafimaadku sida ay dhexda ugu xidheen ee ay isugu tashadeen ee ay gurmadka ugu fidinayaan dadka xanuunka shubanku soo ritay”. Sidaa   waxa yidhi Xil. Maxamed Axmed Aadan (Weli Xaawo) oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxaanu intaa ku daray ,”Waxaa la yaab  badan haddaan kala dambayn iyo yool aanay wasaaradda caafimaadku lahayn meel ay gaadhaysaa ma jirto sidaasi darteed waxaan anigu la yaabay ummadduna ay illaa immika ka sheekaynaysaa ninkan [wasiirudawlaha wasaaradda caafimaadka] ka tirsan golaha wasiirrada ee wasaaradda caafimaadka jooga oo ka sheekaynaya wax aan dadkuba ka sheekaynayn”. “ninkani ma duullaan baa oo wasaarradiisa ayuu ku duulayaa oo ciddan ka sarraysa ayuu ku duullayaa marka uuku leeyahay waxba maanu qaban, dee marka aan caayo dharkan aan xidhanahay ma cid baan caayay mise anigaa wax isu dhimay”. Ayuu yidhi Xil. Weli Xaawo oo si adag u duraya wasiiru dawlaha wasaaradda caafimaadka Mr. Galaal oo dhawaan mar uu warbaahinta la hadlayay wax kasheegay shaqada ay hawl wadeennada wasaaraddu u hayaan bulshada iyo gurmadkii ay u fidiyeen deegaannada uu shubanku soo ritay. Mr. Weli Xaawo waxaa uu hadalkii wasiiru dawlaha ku tilmaamay mid aan meesha qaban oo niyad jab ku vlcsnap-2017-06-05-00h50m21s181beeraysa shaqaalaha qaranka u shaqaynaya waxaana uu farriin u diray hawl wadeenanda wasaaradda oo uu ku baaqay in shaqadooda loo daayo oo aan loo gacan dhaafin “wasaaradda caafimaadka iyo dhakhaatiirta aqoonta u leh arrimahaas soo krodhay in looga dambeeyo oo taladooda la qaato ayaan ku baaqayaa, waxaan leeyahay bal wada shaqayn baa la doonayaa ee hala ogaado ujeedada uu wasiiru dawlahaasi u durayo wasaaradda uu ka tirsan yahay oo meel ka dhac ku ah qarannimada iyo dawladnimada waxna halaga qabto ayaan leeyahay waayo nin hugiisa caaya lama arag waayo hugiisii buu caayay wasiiru dawlahaasi”. Ayuu yidhi Xil Weli.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here