Ujeeddada uu xambaarsan yahay Socdaal aan hore loo sii shaacin oo Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku gaadhay Dalka Turkiga

0
16

Qodobbada lagaga wada-hadlayo Kulan maanta magaalada London ku Dhexmaraya Dawladaha Turkiga iyo Ingiriiska

Ankara, (Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa socdaal qarsoodi oo aan warbaabinta loo soo bandhigin ujeeddada uu xambaarsan yahay kaga baxay dalka maalintii Isniinta ee todobaadkan, isaga oo isla shalayba gaadhay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Ma jiro wax war ah oo Wasaaradda Arrimaha dibaddu ka soo saartay Safarka Wasiirka, haseyeeshee ilo-wareedyo Wargeyska Himilo helay ayaa sheegay in socdaalka wasiirku la xidhiidho kulamo uu dawladda Turkiga kala hadlayo hirgelinta qodobbo ay xukuumadda Somaliland kala hadashay Safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta xafiis qaabilsan isku-xidhka labada waddan oo Somaliland ka furanayso magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Sida ay ilo-wareedyadani tibaaxeen, wasiirka Arrimaha Dibaddu, waxa uu dawladda Turkiga u soo bandhigi doonaa mowqifka Xukuumadda Somaliland ka taagan tahay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo qaabka dawladda Turkigu ula macaamisho labada dawladdood oo Somaliland saluug xooggan ka muujisay. Sidoo kale waxa la filayaa in Wasiirku kala-hadlo dawladda Turkiga sidii loo dar-dar-gelin lahaa wada-hadalladii u socday labada waddan oo tiraba dhowr jeer dib-u-dhacyo ku yimaaddeen.

Warku waxa u intaas ku daray, in Wasiirka Arrimaha Dibaddu magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga kula kulmay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga, isla markaana ay ka wada-hadleen sidii dawladda Turkigu u suurto-galin lahayd xafiis dibloomasiyadeed oo Somaliland ka furato dalkaas, kaas oo madaxweyne Recep Dayyib Erdogen hore u ballan-qaaday wakhtigii uu ahaa Raysalwasaaraha Turkiga.

 Maxamedbiixi

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay inay saluugsan tahay siyaasadda dawladda Turkigu ku waddo dhex-dhexaadinta labada waddan, isla markaana ay tuhunsan tahay inaanay dhex-dhexaad ka ahayn wada-hadallada labada waddan, siyaasaddooduna u jan-jeedho dhinaca Soomaaliya. Sidaa awgeed, lama oga in ujeeddada socdaalka wasiirku la xidhiidho inuu dawladda Turkiga kala hadlayo tabashada Xukuumaddu ka muujisay dhex-dhexaadnimada Dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Reccep Dayyib Erdogan.

Kulan madaxweynaha Somaliland horaantii bishan magaalada Hargeysa kula yeeshay Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Olgan Bekar, waxa uu madaxweynuhu ugu gudbiyey saluug ay Xukuumaddiisu ka qabto nidaamka ay Dawladda Turkigu kula macaamisho labada waddan Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo u muuqda mid aan dhex-dhexaad u ahayn labada waddan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo madaxweynaha ku wehelinayey kulanka dhexmaray Safiirka Turkiga.

“Waxa kale oo ugu muhiimsan ee aannu ka wada-hadallanay waxtarkii ay noo ballan-qaadeen. Reysal-waaarihii hore immikana Madaxweynaha Turkiga ah markii aannu la kulannay wuxuu nagu yidhi si wada-jir ah baannu idinka iyo Xamarba idiin siinaynaa. Xamar waxa la siiyey waannu ku faraxsannahay, laakiin waxaannu jecelnahay sida Xamar wax loo siiyo si mudan oo le’eg in Somaliland wax loo siiyo,” Sidaas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlayey natiijada kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Turkiga oo 8-dii bishan November socdaal ku yimi dalka.

Dhinaca kale, wufuud sar-sare oo ay hoggaaminayaan Wasiir ku-xigeennada Arrimaha Dibadda dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa maanta ku kulmaya magaalada London, waxaanay kulankoodaad wada-tashi kaga yeelan doonaan arrimo khuseeya maslaxadda iyo danaha siyaasadeed ee ka dhexeeya labada waddan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu baahiyey bogga Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga Danjire Feridun Sinirlioğlu iyo ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska Sir Simon Fraser, ayaa maanta ku kulmaya London, waxaanay wada-xaajoodkooda kaga wada-hadli doonaan xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan iyo arrimo khuseeya in dalka Ingiriisku ka taageero Turkiga sidii ay ugu biiri lahaayeen Midowga Yurub.

Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in labada waddan ka wada-hadli doonaan arrimaha siyaasadeed ee ka taagan qaaradda Yurub iyo guud ahaan Caalamka, waxaana si gaar ah loo xusay xaaladaha ka taagan dalalka Suuriya iyo Ciraaq oo la filayo inay ka wada-hadleen. Haseyeeshee lama hubo inay ka wada-hadli doonaan arrimaha siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya, maadama labada waddan kaalin muhiim ah ku leeyihiin wada-hadallada u dhexeeya labada waddan.

Waddanka Turkiga ayaa gacanta ku haya marti-gelinta wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyey hakad galay, waxaana kala wareegtay dawladda Ingiriiska oo marti-gelisay shirkii u horeeyey ee ibo-furka u ahaa waddamada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Himilimedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here