Hargeysa(Hubaal):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo), ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan, ayaa qaabbilay, isla markaana maanta kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa Wefti ka socday Jamhuuriyadda Czech.
Weftigan oo Hargeysa Maanta yimi, isla markaana isugu jira Ganacsato, Cilmi-baadhayaal iyo Masuuliyiin Waxbarasho, oo ay la socdeen Xubno Somaliland u dhashay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Booqashadoodan Somaliland, isla marrkaana arrimaha ay Somaliland u yimaaddeen Cilmi-baadhis ay samayn doonaan ka mid tahay, abuuritaanka xidhiidh Ganacsi, mid waxbarasho iyo waxyaabo la mid ahba ay u socdaan.
Kulanka ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigani wada yeesheen waxaa markii uu soo dhammaaday Saxaafadda wada-jir ula hadlay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire, Xubnaha Weftiga Xubin u hadashay iyo Nin u hadlay Qurbo-joogta Somaliland ee Weftigan Czech ka socda weheliyey, ayaa Saxaafadda la hadlay, waxaanannu hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-