Ujeeddada Wefti Ka Socda Somaliland Oo Ugu Baxeen Baxeen Dalalka Uganda, Tanzania, Jabuuti Iyo Kenya

0
63

Ujeeddada Wefti Ka Socda Somaliland Oo Ugu Baxeen Baxeen Dalalka Uganda, Tanzania, Jabuuti Iyo Kenya

Hargeysa, (Hubaal) – Guddida Qaran ee Gurmadka Abaaraha Somaliland, ayaa Shalay Safar ugu ambo-baxay Dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Tanzania, Dalalkaasi oo ay u tagayaan sidii ay ugala soo hadli lahaayeen inay Somaliland kala qayb-qaataan Gurmadka Abaaraha ka jira Somaliland.

Weftiga Guddida Abaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Sheekh Xasan Cabdisalaan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Xubno kale.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Saxaafadda la hadlay intii aanay Madaarka ka duulin, ayaa yidhi, “Waxaanu u amba-baxaynaa Dalka Jabuuti oo aanu kala hadli doono haddii Alle yidhaahdo sidii la nooga gargaari lahaa Dhinaca Abaarta, Abaartuna way sii adkaatay oo Roobabkii aynu filaynay illaa hadda ma hayno, markaa waxa la go’aansaday in Wufuuf loo kala diro Mandaqadda aynu ku nool nahay, Dadka aynu Walaalaha nahay ee Reer Jabuuti iyo Ummadda Soomaaliyeedba, gaar ahaan Dadka Qurba-joogta ah ee inagaga maqan Dalka Kenya, Tanzania, Uganda, Sambia hadday suurto-gal noqoto, in la soo maro oo Waayo-warramo oo wixii taakulo ah sida Ballamuhu yihiin laga soo qaado.”

gudiga abaaraha

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here