Weftigan ayaa la weriyey inay isla maantaba Booqan Doonaan Magaallo-madaxda Gobolka Saaxil Ee Berbera Iyo Meellaha Ay soo Indho-indhaynayaan
Hargeysa(Hubaal) Dawladda Wadanka Jabbuuti ayaa wefti ay u soo dirayso dalkan somaliland waxaa ay maanta ku soo fool leeyihiin magaallada Hargeysa. Weftigan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Dalka Jabuuti Siciid Cumar ayaa muddada ay joogaan dalka oo dhawr maalmood ah waxaa ay kulamo layeelan doonaan madax ka la duwan oo dawladda Somaliland ka tirsan.
Weftiga Jabuuti ayaa isla maanta tagi doona magaalo xeebeedka Berbera, halkaas oo ay ku soo qaadan doonaan booqasho hal maalin ah, iyagoo ku soo noqon doona Hargeysa, oo ay maalinta salaasadda ah shirku qaban doonaan.
Weftiga Rugta Ganacsiga Jabuuti ayaa ujeedada safarkooda lagu sheegay inay abaabulayaan Carwo ganacsi oo ay ugu talogaleen ganacsatada Somaliland inay ku qabsadaan dalka Jabuuti, si ay ugu soo bandhigaan Badeecadaha ay ka ganacsadaan.
Qorshahan oo ah kii ugu horeeyey ee dhex mara Somaliland iyo Jabuuti ayaa qayb ka ah xidhiidhka ganacsi ee labada dal sidii loo xoojin lahaa, isla markaana labada Dawladood uga fikiri lahaayeen iskaashi Ganacsi.
Qorshaha Rugta Ganacsiga Jabuuti ayaa ah in Badeecadaha Somaliland loo Iibgayn karo dalkaasi mudada ay Carwada socoto, iyadoo ay ku gali doonaan bilaa Cashuur, isla markaana ay ka faa’iidaystaan fursadaas ganacsi.
Dawladda Jabuuti ayaa ugu baaqaysa Ganacsatada Somaliland inay ka faa’iidaystaan fursadaasi, isla markaana uu qof kasta oo danaynaya Ganacsigiisa in uu Jabuuti geeyaa helo doono soo dhaweyn balaadhan.