“Qollada Baarlamaanka Iyo Guddoomiye Cirro Waxaa Laga Rabaa In Saaraan [Xeerka Doorashada Wakiillada] Ay Cilladaha Ku Jira Ka Saaraan, Si Ay….”
Hargeysa (Hubaal):- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inay Xukuumadda talada haysa iyo KULMIYE diyaar ka tahay qabashada doorashada Madaxtooyada Somaliland ee u muddaysan 27 March ee sannadka 2017-ka, hase-yeeshee, Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Golahaas ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI inay dhammaystiraan cilladaha hor-taagan doorashadaas si mar loo wada qabto labada doorasho. Muuse Biixi, waxa uu hoosta ka xariiqay in Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE aanay ku hawlanayn wax muddo-kordhin ah iyo dib u dhac ku yimaadda wakhtiga doorashada Madaxtooyada. Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Golihiisa looga baahan yahay inay qodobbada caqabadda ku ah doorashada Golahaas ay dhammaystiraan, haddii aanay ka saarinna markasta ay dhinaca Xukuumadda iyo KULMIYE diyaar ka tahay doorashada Madaxweynuhu oo aanay dhalliil ku yeelan doonin, isla markaana khaladaadka ku jira qabsomida doorashada baarlamaanka looga fadhiyo in guddoomiyaha golaha wakiilladu qabyo tiro. “Kulmiye, madaxwaynaha, xukuummada arrin kordhin la yidhaahdaa nooma taalo, laba doorasho ayaa isa-saaran, mid waa ta madaxweynaha oo inay wakhtigeeda ku qabsoonto waxaa ka masuul ahaa madaxwaynaha oo ay khusayso iyo xisbiga Kulmiye, doorashada diyaar baanu u nahay ee meel ay arrintaasi (Muddo kordhintu) nagaga soo noqotay ma garanayno” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlayay munaasibad lagu daah furayay qalab cusub oo ay xukuumaddu u soo iibisay dayactirka waddooyinka, waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi “Doorashada baarlamaanka waxaa ka masuulka Guddoomiyaha Waddani, Ummada waxaanu u sheegaynaa Doorashadii madaxwaynuhu waa naga diyaar, qollada baarlamaanka iyo Guddoomiye Cirro waxaa laga rabaa inay doorashada baarlamaanka ka saaraan Cilladaha ku jira si labada doorasho mar u wada qabsoomaan”